Shirkadda Somoil and Gas oo shirkii London ee maanta ka sheegtay in baaritaankii ay sameeyeen ay Soomaaliya noqonayso Quwad Shidaal oo aduunka kusoo biidhay

Filed under: Wararka |

Shirkii Caalamiga ahaa ee maanta london lagu qabtay ee ay Shirkadaha aduunka ugu waawayn kasoo qayb galeen ee ay Soo Qabanqaabisay Shirkadda Soomaaliya Batroolka ka baadha ee Somalia Oil & Gas, ayaa waxaa ay shirkaddu kusoo bandhigtay baaritaano ay badwaynta India kasameeyeen oo ay ku sheegeen in ay Soomaaliya noqondoonta haddii alle idmo Quwad Shidaal oo dunida kusoo korortay

Madaxwayne Xasan oo ay ahayd in uu shirka khudbad kajeediyo ayaan iman London.

Somalia Oil & Gas Summit I 20 October 2014, London