Shirkii 2aad ee Jaaliyada Reer Kismaayood iyo Soo Dhaweytii Anwar Bulqaas

Filed under: Articles,Dawlad-Wanaagga,Wararka |

Daawo Sawirada: Shirkii 2aad ee Jaaliyada Reer Kismaayood iyo Soo Dhaweytii Anwar Bulqaas

Photo: Mohamed Barre - Junlay

Photo: Mohamed Barre – Junlay

Waxaa lagu qabtey magaalada Minneapolis, ee Gobolka Minnesota, oo ah halka ay sida cad uga muuqdaan Soomaalida racii ugu horeeyey ee ka soo qaxay dagaalkii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya 25 sano kar hor muda haatan laga joogo, shir balaaran oo isugu jiray soo dhawayn iyo is barasho.

Shrikaaan oo ahaa mid kii labaa , isla markaana loogu tala galay labo arimood – mida hore oo ah in lagu soo dhawayo Anwar Bulqaas, oo ah oday dhaqameed, caan ka ah magaalada Kismaayo iyo in la wado isdhexgalka jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolka Jubbada Hoose guud ahaan, gaar ahaana dadka ka soo jeeda magaalada caasimada u ah Gobolka Jubbada Hoose, ee Kismaayo. Shirka waxaa ka soo qaybgalay dad ay isugu jira culimo, aqoonyahano, ganacsato, arday oo leh rag iyo dumarba.

Anwar Bulqaas oo ka mida Oday dhaqameedyada deegaanka Gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaana magaalada madaxda Kismaayo, ayaa si sharaf leh loogu soo dhaweeyey magaalada Minneapolis, ee Gobolka Minnesota, ka dib markii uu ka soo guuray magaalada Atlanta, ee Gobolka Georgia. Waxaa shirka lagu martiqaaday dhamaan jaaliyada iyo dadka ka soo jeeda beelaha dega Gobolka Jubbada Hoose guud ahaa, gaar ahaan magaalada Kismaayo, oo aan loo kala harin.

Waxaa xusid mudam in madasha ay ka hadleen macalimiin wax kasoo dhigtey dugsiyadii ku yiilay magaalada Kismaayo – kuwaasoo ay ardaydii ay wax soo bareen qaar ka mida yihiin kuwa shirka soo qabanqaabiyey.

Waxaase halkaas hadal xasuus iyo qushuuc galiyey ka jeediyey macalin QARIIDI, kaasoo ka hadlay sportigii Gobolka, iyo gaar ahaan sportigii magaalada Kismaayo, oo uu yiri waxaa ka danbeeyey dadka iyo ganacsatada REER Kismaayo. Macalin QARIIDI waxuu ugu danbayn dadkii meesha isugu yimid ka codasadey in loo duceeyo DAADIREY iyo NAJIIB (AUN) , oo ahaa labadii wiil ee ku geeriyooday shilka baabuur, ayaga oo matalaaya magaca Gobolka Jubbada Hoose.

Ugu danbayn waxaa halkaa ka hadlay Anwar Bulqaas oo u mahad celiyey dadka isxilqaamay, ee isku soo duba riday shirka isbarashada iyo soo dhawaynta iskuu jirey oo ay ka mid ahaayeen: Abdiyare, Dhagax iyo Adan Baqow.
Waxaa idiin soo direy: Mohamed Barre – Junlay (BULUF), qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana Minneapolis, MN – junlay99@aol.com