Shirkii Jaaliyada Dhalinyarada puntland Ee Wadanka Switzerland

Filed under: Wararka |

Shir aan caadi aheyn oo aay isugu yimaadeen dhalinyarada jaaliyada Puntland ee wadanka switzerland shirkaas oo ka dhacay magalada fribourg taarikhdu markay aheyd 18|01|2014 kadib markii la arkay habacsanaanka dhexjirtah jaaliyada dhexdeeda waxaa la is tusay in la helo gudi kumeel gaar ah oo hogaanshah jaaliyada si looga boxo is barbar yaaca ka dhex jirah jaaliyada dhexdeeda shirka dhalinyarada Jaaliyada Puntland ee wadanka switzerland ee ka dhacay magalada fribourg waxey doorteen gudi kumeel gaar ah oo usii gogol xaarah sidii loo heli lahaa jaaliyada guud ee wadanka switzerland waxaa gudoomiye kumeel gaar ah oo cod gacantaag ah oo aqlabiyad ah loogu doortay abdirisaaq ahmed hasssn. Gudoomiye
, Gudoomiye Ku xigeen abdulqaadir abdirahmaan qasnaji abdirisaaq dimcad, Xiriiriyaha arimaha bulshad ahmed abdirisaaq, arimaha dhaqanka iyo wacyigalinta hassan muuse, arimah wax barashad abdullaahi yuusuf, Afhayeenka Jaaliyada ali faarah, ODAYGA GUUD EE JAALIYADA,abdulwali keyse gas,

dhamaan jaaliyada reer puntland ee wadanka switzerland waxaay tahniyad u diraysaa maamulka cusub ee puntland iyo shacabka reer puntland waxayna hawada umarinayaan hambalyo iyo bogaadin,

waxaan kaloo umahad celinayaan maamulkii hore sida sharaf badan shacabkooda wax ugusoo shaqeeyay

puntland-swizerland

puntland-swizerland1

puntland-swizerland2

Kadib markii cod aqlabiyad ah lagu doortay gudiga kor ku xusan waxaa leysku afgartay in eey gundhig uyihiin qodobadaan habacsanaantii ka dhex jirtay jaaliyda sanadiihii lasoo dhaafay 1 in aan la ilaalin xoriyatul qowlka iyo fikirka bulshada 2 in aan lagu soo dooran jirin qofka khibrad aqooneed 3 in aan lagu tixgelin kaalintii shaqo uu ku lahaa jaaliyada 4 in aan la tixgelin dastuurkii jaaliyada oo la doorbiday dhaqankii somalida ee ahaa anaa ku iri iyo anaa ku iri Qodobadas iyo Kuwa Kale oo Badan Ayaa Sabab u ahaa Isbar bar yaaci Iyo Habacsaninti Fashilka ku Keentay Jaaliyadi Puntland Ee Lagu Mideysnaa Wana Midas Mida Ku Dhalisay In Dhalinyarada Shirki Isku Yimaadan Si Ay U Badbadiyaan Ugana Tashadan Aayaha Guud Ee Jaaliyada Reer Puntland Ee Guud Ahaan Wadanka Switzerland

waxaa xasuus mudan inaan wax ka xusno taariiqda jaaliyada reer puntland ee wadanka switrlnad, waxaa lagu asaasay fribouurg 12 04 2008 ayadoo gudoomiye loo doortay ahmed ali jama, ku xigeena loo doortay hussein hassan, qasnajina loo doorta,abdulwali keyse gas,hugaanka jaaliyada waxuu ku ekaa 3 sano dastuur ahaan 12 04 2010 ayaa hugaanka shaqadu ugu.ekay.duruufu jiray awgood iyo wax badan oo laxeerinaayay ayaa sababtay in waqtbadan aan jaaliyadu shaqayn,16 07 2012, ayaa sidastuuri aha xilkii looqaaday gudoonkii jaaliyada,

qorshe lamagacbaxay barnaamijka xal uhelida iyo geedisocadka jaaliyada puntland ee switrland ayaa kadhacay fribourg 30 12 2012 qasriga mudane ali baashi aydoo halkaas lagudoortay gudi farsamo oo kakooba 5 xubnoo,gudiga waxay iclaamiyaa,17 11 2012,shirkaas ayaa markale loo balamay. ln gudiga farsamadu kukulmaan 14 12 2012magaalada laussane.gudiga farsamad iyo turxaan bixinta ee 5 xubnood ayaa markii afraad iclaamiyay shir kadhaca magaalada fribourg 30 12 2012 shikaas oo aysoo xaadireen 22 xubnood waxaa dood badan kadib lago.aansaday in cod looqaado inaay suurtagal tahay doorasho gudiga fulinta waxaa codkii noqday dibhaloodhigo.