Siciido Cabdi Muuse Fanaanad Taariikh dheer iyo warbixin Kooxda Heegan ee ay Saciido aas aasayaashii ka mid ahayd

Filed under: Wararka |


saciido Cabdi Muuse
Dad baddan un baa heestaan markay Taleefishanada ka daawadeen is leh Saciido Cabdi Muuse waa Fanaanad hadda un isaga soo boodday Fannaan nimada, laakiin maanta waxaan idiin haynaa Warbixin ku saabsan Kooxdii Heegan ee ay SaCiido ka mid ahayd,iyo waliba Riwaayaddii abad ugu caan sanayd Riwaayadaha Soomaalida ee Magaalo Joog Xumo ee ay Saciido Cabdi Muuse Jilaha ja ahayd.

Halkaan la akhri warbixinta KOOXDA HEEGAN OO DHAMAYSTIRAN IYO SACIIDO CABDI MUUSE OO KAMID AHAYD KOOXDA HALGAN

KOOXDA HEEGAN Waxey aheyd koox billowgeedii horaba car car iyo kuleyl masraxyada la soo istaagtay, taas oo ay ku kasbatay taageerayaal badan oo ku lammaansanaa goob kasta oo ay kooxdu soo caga dhigataba.

Kooxdu waxey laheyd abwaanno tayo leh oo ay ka mid ahaayeen:-
1. Cabdi Bashiir indha buur ( Marxuum)

2. Max’uud Max’ed daba-gooye ( Marxuum)

3. Maxamed Maxamuud Firin ( Marxuum)

4. Cusmaan Diiriye Carrabey

5. Maxamed Faarax Shabeel

6. Axmed Garow Cabdalla

7. Sugaal Cabdulle

8. Salaad Diirshe.

Abwaannadan kor ku xusan oo isugu jira qaar dhintay iyo kuwo haatan nool, waxey qaar kood lahaayeen hibo gaar ah oo curinta maansada u sii dheereyd tusaale ahaan:-

Abwaan Cabdi Bashiir Indha-buur curinta ka sokow wuxuu ahaa mullaxin heesaha kooxoda intooda badan laxameeyay, abwaan Maxamed. M. Firin, ayaa isagun ku luuqeyn jiray gabayada, Sugaal Cabdulle, ayaa sidoo kale isku darsaday curin, heesaanimo iyo jilisba.

Kooxdii heegan, waxaa lagu xusuustaa kaalintii waddaniyadeed ay ku laheyd dagaalladii 1977 ee lala galay Abyssinia iyo jawaabihii deg degga ahaa ee ay ka bixin jireen wareegtooyinkii kacaanka taas oo uu marxuum madaxweyne Maxmed Siyaad Barre ugu naaneysay iney yihiin ( hooyadii fanka ).

Xusuusta kama maqna heesaha kala ah:-

Hantiyey macaan… Arligeygow… isku duubni… taliska nugul…. Qaranimo iyo qaar kaloo badan.

Heesaaga kooxda oo isugu jira kuwo nool iyo qaar dhintayba, waxey kala ahaayeen:-

1. Saciid Mire Xeydar ( marxuum )

2. Maxmuud Ciise Timo-jilec ( marxuum )

3. Xasan Culusow Taraafiko ( marxuum )

4. Ibraahim Baadil ( marxuum )

5. Deeqa Axmed Raage ( marxuumad)

6. Timiro Calasow ( marxuumad )

7. Ismaaciil Xaamud Cabdi

8. Aadan Axmed dhooy

9. Cusmaan Muudey Turufaay

10. Axmed sardheeye

11. Cabdullaahi Jaamac

12. Faadumo Maxamed ( fadumo-Duur )

13. Luul Xasan ( xaawa luul )

14. Faadumo Cumar ( faadumo-heegan )

15. Saciido Cabdi Muuse ( saciido-Buuro )

16. Luul Axmed ( Luul-wadajir )

17. Faadumo Axmed ( alxamdulilley )

Iyo qaar kaloo badan oo aan halkan lagu wada xusi karin.

Kooxda muusig ahaan marka laga soo tago baambeyda ciidanka booliiska waxey laheyd muusikiiste u gaar ah oo si fiican u xirfadeyn yaqaan hab socodka heesaha iyo muusig raacintaba.

Ugu danbeystii Ismaaciil Xaamow cabdi oo heesaaga kooxda ka mid ahaa wuxuu leeyay ” fadlan wixii kooxda heegan ku abtirsadow ila soo xiriira telefankaan, si ayno isu wada baadi goobno” ( 0034-671293801 Spain )

Qalinka.

Bashiir Cali Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com

Magaalo joogxumo parti 2

Magaalo joogxumo parti 3


Daawo Abwaan Sugaal Cabdulle iyo waanooyinkiisi Soomaalinimo Jilihii Riwaayadii Mgaalo Joog Xumo

One Response to Siciido Cabdi Muuse Fanaanad Taariikh dheer iyo warbixin Kooxda Heegan ee ay Saciido aas aasayaashii ka mid ahayd