Sifooyinka Madaxwaynaha ku haboon Puntland, is barbardhig madaxwaynaha Astaamaha xun iyo Madaxwaynaha Astaamaha wanaagsan (Warbixin Muhima Qaybta koobaad)

Filed under: Wararka |

Bismillah.
Madaxwaynuhu waa RoleModelka bulshada, waa meesha ugu wanaagsan ee ah astaanta bulshadu ku dayato, oo bulshadu aakhirka xitaa waxay u hadlayaan sida madaxwaynuhu u hadlo, waana wadnaha ama xubinta ugu wanaagsan ee bulshadaas.

Madaxwaynaha leh Astaamaha wanaagsan ee bulsahdiisu uga dayan karto
Hadii Bulsho nasiib u hesho Madaxwayne leh astaamo iyo garasho fog, sida Madaxwayne garankara muhiimadda Cadaaladda, muhiimadda musuqmaasuqa oo layareeyo, muhiimadda shacabkaaga oo loo tanaasulo, muhiimadda shacabkaaga oo loo shaqeeyo oo waxa ay rabaan laga hormariyo waxa ay nafta Madaxwaynaha jeceshahay, Muhiimadda hellitaanka midnimadda shacabkaaga, kashaqaynta hogaan mustaqbal ee dalka waliba ruux  dhalinyara ah,  oo loosii tababaro  mustaqbalka badelilahaa madaxwaynaha hadda taalda haya.

Dhisid Dastuur 100% kusalaysan u adeegidda danta shacabka iyo qorshe siyaasadeed hay-ado dawladeed oo xeeraysan.

Taabagallinta dastuurkii lagu heshiiyay.
Hirgalinta dawlad-wanaag asala iyo hirgalinta hay-adaha muhiimkaa sida garsoor Madaxbanaan, maaliyad Madaxbanaan, Saxaafad Madaxbanaan, Gole Guurti Madaxbaan, Gole Baarlamaan Madaxbanaan.

Hirgallinta iyo taabagallinta qabsoomidda Doorasho xalaala oo xaq kusalaysan oo loo dhamaystiray dhammaan agabkii muhiinka ahaa, sida diiwaangalin dadwayne, in mawaadinkasta loo sameeyo Aqoonsi iyo cinwaan lowgu soo hagaaggo, tirakoob sax ah, guddi ka koobban bulshada qaybaheeda kala duwan oo ka masuul noqda doorasho si cadaaladda u qabsoonta, mid Gole Deegaan, iyo mid Gole Baarlamaan, mid Madaxwayne.

Kobcin dhaqaale, kubcin waxbarasho, kobcin shaqo, kobcin wax soosaar, kobcin aqoonneed, mu’alifnimo, tayayn iyo wacyigallin Bulshaad iyo mid deeggaan.

Madaxwaynahaas wuxuu Role-Model u noqonyaa shacabkiisa, wuxuuna u horseedayaa bulshadaas Mustaqbal ifaya, wuxuu noqon doonaa Madaxwayne taalo loo dhiso.

 

Madaxwaynaha Astaamaha xun leh Bulshadana Astaamahaas xun ugu noqda Role-Model.

Haddii Madaxwaynaha ay ka go’antahay in uu bulshadaan xoog iyo musuq maasuq ku maammulo, wuxuu madaxwaynuhu isku dayayaa in uu kursiga kusii jooggo laalluush iyo wax isdaba-marrin.

Madaxwaynuhu wuxuu laalluushayaa oday dhaqameedka, wuxuu oday-dhaqameedka ku laaluushayaa oo uu u iibinayaa baabbuur laan kuruusar ah, caaruurta oday dhaqameedka wuxuu si dirayaa jaamacado, Oday dhaqameedka innan -> wiil uu u keenay wuxuu uga dhigayaa Wasiir.

Madaxwaynuhu wuxuu ka shaqaynayaa in uu saxaafadda iibsado, oo website-kasta oo dhaq-dhaqaaq baddan waa iibsanayaa.

Madaxwaynuhu wuxuu isku dayayaa in dhammaan dhaqaalaha wadanka oo dhan uu gacantiisa soo hoosgalo, lacagta dekadda kasoo xaroota waa in ay isaga hoostimaaddo, tan canshuuraha bariga iyo kastamada, daw waa in ay isaga hoos yimaaddaan.

Xildhibaanada Marka lasoo xulayo Madaxwaynuhu wuxuu ku laaluushayaa Lacag asagoo laaluushaya Isimadda, si xildhibaanka lakeenaa uu u noqdaa mid aan ka hor iman Madaxwaynaha.

Madaxwaynuhu wuxuu ka shaqaynayaa in aannay degmooyinku soo doorran guddoomiye degmo, balse taa badalkeeda Madaxwaynuhu waa in uu isagu soo magacaabo shaqsi uu meesha keensaday, marka waa in uu Madaxwaynuhu kashaqeeyaa in aynan si daacad ah u qabsoommin doorashooyinka golayaasha degmooyka si aynan ruux iyaga u adeegga isaga soo dhex xullin.

Madaxwaynuhu wuxuu kashaqaynayaa in uu jaggooyinka muhiimkaa ee dakhliga leh uu u dhiibbo dad qaraabadiisa ah, ama haddii matalan uu magacaabbo wasiirka Maaliyadda wuxuu Madaxwaynuhu kashaqaynayaa Maareeyaha wasaaradda Maaliyadda in uu u dhiibo ruux ay qaraabo yihiin, waayo agaasimuhu waa ruuxa shaqada wasaaradda gabigeedaba kamasuulka ha khaasatan dhanka Maalliyadda.

Aakhirkana Madaxwaynuhu wuxuu hadana sii kala qabyaaladaynayaa qaraabadiisii illaa ay usoo haraan caruurtiisa iyo wiilasha qaba gabdhihiisa.

Madaxwaynuhu wuxuu ka shaqaynayaa sidii uu ula dagaallami lahaa shakhsiyaadka kursigiisa ku hawaysta wuxuuna shakhsiyaadkaas u samaysanayaa shakhsiyaad ay isku beel yihiin oo matalan haddii doorasho jirto, waa in Madaxwaynuhu si hoose usoo taageero shakhsiyaad dadka lagu jaahwareeriyo oo been been xaflado beenaad madaxwaynuhu maalgaliyay loosameeyo si bulshadda loo marin habaabiyo.

Madaxwaynuhu wuxuu kashaqaynayaa sidii uu Beelaha awoodda leh ukala qaybin lahaa oo isugu diri lahaa, ama beelo kale ugu hubayn lahaa.

Madaxwaynuhu wuxuu samaysanyaa koox sirdoon ah oo dhaq dhaqaaqqa beelaha iyo shakhsiyaadka Madaxwaynaha mucaarada dhaqdhaqaaqooda uga xog keenna.

Xiliyada doorashooyinka.
Madaxwaynuhu wuxuu diyaarsanayaa lacagtii uu wadanka kasamaystay oo malaayiin ah, wuxuuna calaa xildhibaan u diyaarinyaa illaa 20000$ in uu ku laaluusho iyadoo lacagtaas loo xilsaarayo guddi qaran oo arinkaas uga shaqeeya, subaxa doorashadu dhacayso habbeenka kahoreeya ayaa Xildhibaanka xawilaada lacagta loo dhigayaa 20% waa lasiisiinayaa inta kale waxaa lasiinyaa haddii Madaxwaynaha la doorto, midda kale waa lasii dhaarinayaa, mida kale Madaxwaynuhu waa kasii feejignaa arinkaan oo markii hore ayuu soo laaluushay isimka oo xildhibaankan waa xildhibaan layaqaan, saas ayay Madaxwaynaha banaanka ugu oolaysaa in uu doorashada ku guulaysto.

Bulshada nasiibka u yeelatay Madaxwaynaha astaamahaan leh, waxay noqonaysaa Bulsho uu Role-Model u noqday Madaxwayne astaamahaas foosha xun leh, waxay noqonayaan Bulsho aan laalluush mooyee Caqli kale yeelan, waxay noqonyaan bulsho barata in la laaluusho, waxay noqonyaan bulsho layaaba ruuxaan wax iska celinayn ee wax laaluusheyn, een samaysanayn dacaayad been ah oo inamo lacag lasoo siiyay ay ammaan beennaad iyo durbaan beennaad kuu garaacayaan.

Madaxwaynhaas markii ama uu meesha katago oo qolo kale kaqaado meesha ama tii ale u timaado, kuwa booska kaqaadda waxay noqon doonnaan kuwo kusoo tababartay qaab dhaqankiisii waxayna halkii kasii miisi doonnaan qaab dhaqankii uu soo baray bulshada, waxayna bulshadaas aakhirka mustaqbalkoodu noqondoonaa mid aan iftiin fiican hor oollin, waxayna u badandoontaa in bulshadaas aakhirka ay kala qaybsami doonnaan qulqulado iyo dagaal sokeeyana hallis u noqon doona in uu deegaankooda ka qarxo.

Si kooban U Diyaariye Ibrahin Gablax.
Qaybta Wacyigallinta Puntlandobserver@gmail.com