Siyaasiin Reer Khaatumo Oo Hadda Un Fahmay Durbaan Beenaadkii Cali Khaliif mudada 10-ka Sano ah uu ku marin habaabinayay (Falanqayn)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

(Afeef Qormadan waxay ku socotaa laba wajilayntii Cali Khaliif, si marka arrimihii loo cadeeyana xitaa qabiilo badan baa laga sheekayn doonnaa marka dhanka cadaynta ka eeg dhanka qabyaaladda ha ka eegin waayo xaqiiqdii hadaan la cadayn hadalkii lama cadayn karo)

Waxaa uu qofwalba oo caqli yar lihi garan karay meesha uu Cali Khaliif u waday Beesha Dhulbahante iyo durbaanka maran habaabinta iyo filimada sida Hollywoodka loo jillo marka la doonayo in shacab la maran habaabiyo.

Haddii aad adiguba iska soo qaado in aad tahay hogaan ka tarjumaya waxa ay shacabka khaatumo doonayeen waa uu garan karaa qofkastaa waxa ay shacabka khaatumo doonayeen.

Inta badan shacabka Khaatumo ayaa doonayay in ay Laascaanood ka xoreeyaan maleeshiyaadka Beesha Isaaq iyo horgolayaashooda beesha caalamka gunooyinka ka qaata ee magaalada xoogga ku haysta.

Hadaba hogaanka ay daacadda ka tahay in uu Laascaanood xoreeyo maxaa looga baahnaa??.

Waxaa looga baahnaa.
1) Midaynta shacabka khaatumo.
2) Raadinta bahwadaag si daacada ugala qayb qaata sidii laascaanood loo midayn lahaa.
3) jamhadayn iyo Xorayn.

Hadaan mid mid u kala qaadno.
1) Si uu Cali Khaliif u mideeyo beesha khaatumo waxay ahayd in uu ka billaabo helitaanka taageerada jifada uu Cali Kasoo jeedo ee Laascaanood u badan iyo waliba garaadadooda, hawshaas Cali Khaliif haba yaraatee ma isku dayay??, Wali Ma lahayaa Cali oo Iclaamiyay SHir bah hararsame ah, ama Jaamac Siyaad laba jifi ee Laascaanood u badan , jawaabtu waa maya, shirarkalena iskaba daa oo beesha lagu mideeyo marka laga reebo shirarka maamulka lagu dhisayay.

2) Haddii si daacada loo hadlayo Beelaha Irir waa ay isku bahaystaan marka beelaha Daarood lala dagaalamayo, laascaanood waxaa laga qabsaday beesha Daarood, waxaana hubaala in shacabka beesha daarood marka laga reebo siyaasiyiinta meelaha fog fog laga amro in ay shacabku taageersanayeen in Laascaanood dhulbahante lala xoreeyo, haddii marka Cali ay daacad ka tahay in uu Laascaanood xoreeyo wuxuu taageero ka raadsan lahaa shacabka beesha Daarood, isagoo arrimaha siyaasadda iyo siyaasiyiinta ka dul boodaya oo dib u dhiganaya oo marka uu Laascaanood xoreeyo kadib wada hadal la galaya.
Laakiin Cali wuxuu ka shaqeeyay oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay oo 100 website u samaystay sidii dhulbahante iyo beesha Majeerteen oo ugu tirada badan beelaha Daarood ee koonfureed la isaga horkeeni lahaa, waliba waxaa nasoo gaaraya in mukhadaraadka Cali Khaliif iyo kuwa Somaliland ay dhanka saxaafadda iska kaashanayeen oo wariyaasha Cali Khaliif dhanka saxaafadda uga shaqeeya ay taakulo ka helayeen dhanka Somaliland.
Qofka inyar oo caqli lihi wuxuu arki karaa in Istraatijiyadda Cali Khaliif ay ahayd mid kasoo horjeedda Istaraatijiyad Laascaanood lagu xoreeyo ee ayba ahayd Istaraatijiyad Laascaanoodna lagu sii haysto waliab hadana mustaqbalka loo isticmaalo maleeshiyaadka beesha dhulbahante in loo isticmaalp in lagu weeraro deegaanada kale ee Daaroodka, sida ayba afkooda ka sheegeen maleshiyaadkii Cali Gari markii ay ku biirayeen maleeshiyaadka Somaliland.

3) Jamhadayn iyo xorayn waa la yaqaan.
Cali Khaliif haba yaraatee wax jamhadayn ah ma isku dayay, marka laga reebo shir uu ku qabto dhul degaana oo ay maamusho Puntland oo markaas marka uu shirka ku qabto ay maleeshiyaadka Somaliland yimaadaan oo la wareegaan, waayo kooxda Cali Khaliif ayaa shacabkii waxay ka dhaadhicinayaan in ay iska illaashaan labada cadaw ee hareeraha waliba cadawga koobaad ee dhulka dhulbahante kusoo duulay ee Puntland, shacabkuna wixii dhagta lowgu sheego ayay rumaynayaan.

Dadka indheergaradkaa ayaa ku tilmaama in Cali uu marwalba reer Khaatumo u waday dhanka Somaliland balse uu siyaasadaynayay shacabka oo durbaan beenaad u garaacayay, waxaana loo badiyaa in uu cali xiriir la lahaa shirkadaha macdanta dalalka Sookaraya ka booba iyo waliba iyadoo uu Cali aaminsanyahay fikirka reer Waqooyi.

Hadaba inkastoo aan arrimahaas muddo hore maqaalo ka qornay waxaad mooddaa in ay hadda un qaar kamida siyaasiyiinta khaatumo fahmayaan.
Hoos ka dhagayso siyaasi arrimahaas ka sheekaynaya