Somaalida Minneapolis Ee Ka Ganacsata Gawaarida: Oo Laga ‘Cabanaayo’

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

Somaalida Minneapolis Ee Ka Ganacsata Gawaarida: Oo Laga ‘Cabanaayo’

2005 & 1999 Dodge Grand Caravan PHOTO | Mbarre

2005 & 1999 Dodge Grand Caravan PHOTO | Mbarre

Waxaa soo badanaysa cabashada dadka ka ganacsada BAABUURTA ee degan magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota. Runtii lama oga waxa keenay in ay dadka si wayn uga cabtaan, iskuna dhiibaan ganacsadata lokalka ah, kuwaasoo looga cararey markii hore ‘RIBADA’.

Aqristow anigaanba waxaan halsano iyo nus ka hor ka gatey baabuur nooca [VAN-ka] ah, isla markaana loo yaqaan: 2005 Dodge Grand Caravan. Gaariga waxaa ka halaysnayd muraayada loo yaqaan ‘HAADKA’ ee dhinca bidix. Waxaa ninkiii igu yiri “anigaa ku samayndoona”, welina la isma waydiin. Waxaase taas ka daran in gaarigaan uu horey u soo galay shil, taasoo aan ka ogaaday dhinaca inshuransiga iyo maalin cilada hor leh, oo soo baxaysa.

Intii aan dalkaan Maraykanka aan joogay – in ka badan 20 sano, weli gaari kama gadan company yar ama ruux bacadle ah. Si kastaba ha ahaatee, ninkan waxuu ahaa nin aad u aaminsanaa madaama aan markii aan yarayn qaxooti ku wada ahayn xaafada Kiseyni, ee magaalada Kampala, ee dalka Uganda.

Maalmahii aan gaariga doonka ahaa, ayaan iskaga daba noqday, meesha uu Koonfurta Minneapolis, kaga leeyahay garaashka lagu iibiyo gawaariyada. Maalin maalmaha ka mida, ayaa waxaan arkay nin dhalin yaro ah, oo hor taagan xafiiskiisa. Waxaa uu igu yiri “ninkan iska ilaali, waa nin LAABLAAB badan”. Anigoo yaaban, isla markaana waxaan ku hadlo garan la’a ayaan, ku iri ninkii “kuma ogayn falka noocaas oo kale ah”. Ninkii oo qoslaaya ayaa iga tagay. Sidoo kale, waxaan isla markale aan la kulmay nin aan isku magaalo ka imaanay, isagiina waxaa uu igu yiri “ninkan aad la socoto, waxaan ku leeyahay lacag oo aan ka soo saari la’ahay”.

Marka, waxaa xaqiiqo ah in baabuurkii cusbaa ee aan ka gatey, sanadkiisuna yahay 2005 Dodge Grand Caravan uu maanta ka liito, kii aan is lahaa armuu jidka kula fariistaa, oo uu sanadkiisu yahay 1999 Dodge Grand Caravan – kaasoo aan ka gatey company wayn oo gawaarida gada.

Mida kale, markii aan gatey gaarigii, ayaan waxaan waayey ‘SHARCIGIISA ama cadaynta aan ku mulkiyey’. Maalin maalmaha ka mida ayaan wacay, waxuu igu yiri “wuu kuu soo dhici doonaa” oo macnaheedu yahay, waa laguu soo diri doonaa. Anigoo weli bixinaaya, lacagta gaariga inti yarayd oo ka har-sanayd, ayaan lix bil ka dib wacay, oo aan ku iri “fadlan qaado gaariga, hadii aadan sharcigiisa ku dhagan tahay, madaama aan lacag iyo sharciga gaariga isku kaa dari karin”.

Waxaa intaa dheeraa, in aan la kulmay nin kaloo ka cabanaaya nin la shaqaysta ninka aan gaariga ka gatey, kaasoo diidey in uu u soo diro ninka gaariga ka gatey ‘SHARCIGA ama lahaansha gaariga in ka badan hal sano’. Ninkaan oo laga yaqaan beledkaan aan degan nahay madaam uu dadka gayn jirey meesha lagu xaraasho gawaarida, dad badana ku dhacay baabuurta xaraashaka.

Hada iyo dan, dadka waxaa la gudboon in ay lacag aruursadaan inta aysan baabuur gadashadiisa u hanqal taagin, madaama Soomaalida ka ganacsata baabuurta oo lagu xisho RIBO la’aanta, ay dadka ku qaarijiyaan baabuur baaba’day.

Waxaa idiin soo aruuriyey: Mohamed Barre – Junlay ‘BULUF’, oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com

3 Responses to Somaalida Minneapolis Ee Ka Ganacsata Gawaarida: Oo Laga ‘Cabanaayo’

  1. Pingback: Somaalida Minneapolis Ee Ka Ganacsata Gawaarida: Oo Laga ‘Cabanaayo’ - Daily Somalia Report