Somali iyo in Sharci iyo dastuur lagu dhaqmo maxaa kala haysta (Maqaal)

Filed under: Wararka |

Bismillah.
Dunida nasiibka u yeelatay in ay helaan nidaam caadila, waxay illaashadaan in lagu dhaqmo oo aan dhanna looga leexan shuruudihi iyo Dastuurkii shacabku ku heshiiyay ruux yar iyo ruux Waynba.
dastuurkasoomaaliya
Hadday dal noqon lahayd, haday Shirkad noqon lahayd, haday Urur ama Jaaliyad noqon lahayd, dadka wax wada wadaagay waxay ku dhaqmaan oo aynan dhana u dhaafin Dastuurkii iyo sharcigii ay dhigteen qodabadii ku qornaa.

Waxay waqti badan galiyaan qaabkii Dastuurka looga illaalin lahaa in shakhsiyaad fara-kutiris ah ama qolo afduubato, (ogow hadaad mar hal qodob qof jabiyay aad u hiiliso oo saas lagu yeelo oo aan maxkamad lasoo taagin ruuxii jabiyay qodabkii, dastuurkaas waa fashilmay, waayo waxaa imanaysa in qaarkalena ay jabiyaan qodabadii kale).

Hada dadkii Dastuurka Dawladda Federaalka waxka badalay hadaan lamaxkamadayn, Dastuurka Dawladda Federaalkaa waa burburay markaas.

laakiin Soomaali meelwalba oo uu joogo yaa ka dhaadhicinya in Dastuurkii lawada dhigtay la illaasho oo aan nin iyo koox midna lowgu turin wixii dastuurka ku qornaa, wixii kitaabka lagu maray, wixii lagu heshiiyay.

Ruuxa Soomaaligaa uma baran in uu ku dhaqmo ama fuliyo qodabadii lagu heshiiyay ee Dastuurka, wuxuu ruuxa Soomaaligaa jecelyahay in uu laaluusho koox isaga yeesha waxa uu jecelyahay kana talaabsado wixii umada oo dhami ku heshiiyeen.

Jiilka hada soo koraya waa in ayna kusifoobin maahmaahdii oranaysay Ratiga danbe ratiga hore saanqaadkiisuu leeyahay, ee ay taa badalkeeda illaashaan Dastuurka iyo Qodabada lagu heshiiyay.

Inta badan waxaa sabab u ah Shacabka Sooomaalida in aan Dastuurka lagu dhaqmin, waayo intooda badan xataa maba yaqaanaan Dastuur, waaydaan danbe ayay dadku si tartiib tariiba usoo fahmayaan, waayo intii uu Marxuum Siyaad Barre dalka xooga ku haystay dadka lama barin muhiimadda Dastuurka waayo dalkaba xoog baa lagu hastay, wixii ka danbeeyayna dawladba ma jirin.

Isku soo duub waxaas oo dhan waxaa iyana dhanka kale sii fududaynaya Badawnimada iyo cilmi yarida ku habsatay dhamaan dadkii soomaaliyeed oo ay dad tiro yar hada waxbarashada ka xiiseeyaan.

By Hassan Runsheege Puntlandobserver@gmail.com