SOMALI MA ISKU SOO DHAWAN-AYSA MISE WAA SII KALA MIIR-MEYSA

Filed under: Wararka |

SOMALI MA ISKU SOO DHAWAN-AYSA MISE WAA SII KALA MIIR-MEYSA

Inta badan dadku waa neceb yihiin runta hadey runtu noqoto mid kharaar. Hasa yeeshee waxey qaataan markey xeero iyo fandhaal kala dhacaan. Waxaase muhiim ah in aan runta laga baqin waayo taariikhda ayey galeysaa.

Somalidu ma isku soo dhawaaneysaa? Mise waa sii kala miirmeysaa? Arrintaan waxey u baahan tahey in si fiican oo cilmiyeysan looga doodo ayadoon caadifad lagu eegin ee xaqaa’iqda jirta la taabto; kadibna laga bixiyo talooyin ku haboon oo ummadda Somalia sharafteedii iyo midnimadeedii usoo celinaya; ama lagu talo galo lana ogaado in lakala furfurmayo. Waxaan jeclahey in jawaabta su’aasheyda lagala soo baxo arrimahaan aan hoos ku soo qaadi doono:
Somalia waxaa caasimad u ahaan jirtey Xamar. Qabaa’ilka Somaliyeed ma kuu soo badanayaan Xamar? Mise wey ka sii guurayaan? Maxeyse sababtu tahey?

Dad fara badan ayaa wali guryo, dhul iyo hanti looga heystaa Xamar, mana muuqato in dawladdu wax ka qaban karto ama ay dooneyso in wax laga qabto. Xittaa dad badan oo mas’uuliin muhiim ka ah dawladda federaalka ayaa hanti dad kale heysta;

Qabaa’ilka intooda badan qof kasta oo Xamar guri ama dhul ama ganacsi ku lahaa wuu iska iibinayaa oo wuxuu ku noqdey gobol kale oo qabiilkiisu ka soo jeedo; ama dalka dibeddiisa ayuu ula wareegey wixii uu hanti ku lahaa Xamar;

Qabiil walba wuxuu ku soo aruurayaa gobolada qaarkood oo isku dhex noolaad kii ayaa aad iyo aad usoo yaraanaya;

Xittaa madaxda dawladda federalka ah intooda aan reer Mogadishu aheyn waxey ku nool yihiin hotels ama villa Somalia. Intooda badan xaaskii iyo caruurtii lama joogaan ee waa kaligood. Taasna waxey kuu cadeyneysaa ineysan Xamar si rasmi ah u degeneyn;

Qofka Somaliga ah wuxuu gaarey inuu door bido inuu dal kale ku noolaado halkii uu gobol kale oo Somalia ah ku noolaan lahaa;

Qofka Somaliga ah wuxuu aaminsan yahey inuu nabad-da uu ka waayey gobolada qaarkood uu ka heli kara dalal-ka ajnabi ah. Sidaas darteedna waxaad arkeysaa in dhaqaalihii Somalida uu galey Kenya, Ethiopia, South Africa, Zambia, Uganda, Mozambique, dalalka carabta iyo dalal kale oo badan (haddii dhaqaalahaas uu nabad ku heli lahaa Somalia, wax weyn ayuu ku soo kordhin lahaa horumarka Somalia);

Dadkii aqoonta lahaa iyo dadkii dhaqaalaha lahaa iyo culumadii diinta badankoodii waxey ku nool yihiin dalka dibed-diisa. Waxaa adag in qof aqoon yahan ah uu ka shaqeeyo gobol uusan u dhalan; in qof beecmushtar ah uu tijaaro ka sameeyo gobol kale; in xittaa aysan dhici karin in culumadii ay diinta ka faafiso gobol kale oo xittaa wadaadkii qabiil ayaa lagula dagaalamin;

Intaas waa qeyb ka mid ah waxyaabaha sii kala fogeynaya Somalida. Sida muuqato dhibaatooyinkaas waa sii kordhayaan. Waa la sii kala miir-mayaa; waa la sii kala fogaanayaa; waa la sii kala qoqob-mayaa.

Intaas waxaa dheer iyada oo aysan ii muuqan wax intaas oo kale u dhigma oo isku soo dhawaansho ah.

Waxaa kale oo la yaab leh in wax-garadka Somaliyeed oo dhan ay ka dheregsan yihiin arrimahaas iyo kuwo kale oo ka sii daran; laakiin aan wax xal ah laga wada shaqeyneyn waayo Somalidii ayaa cadow isku aragta oo aan wali kalsooni isku laheyn; taasina waxaa ku lumaya dalka iyo maslaxaddii guud.

Dadka qaar baa u arka in xilligii dagaalada oo dhiigu qubanayey laga raja roonaa hada oo dawlad dhexe iyo dawlado goboleed la sameeyay, lana sheegto in kumeelgaarkii laga baxay. Iyagoo ku doodaya in berigii dagaalada shirar dib u heshiineed iyo dadaalo dib loogu baadi goobayo qaranimadii dhinac socdeen dagaalada. Hadase sidii ama la daalay ama quus la noqday, ma muuqdaan wax dadaal somaliyeed ah aan ka ahayn in beesha caalamka oo hadba hindise hiigsigooda ku salaysan nagu tijaabisa.

Somalidu ma isku soo dhawaaneysaa? Mise waa sii kala miir-meysaa???

Ahmed Ali BIHI
Cairo, Egypt