Somalia Oo Xoolihii In Laga Iibsado La Diiday, Kalluunkii In Laga Iibsado La Diiday, Xawilaadii Laga Joojinayo (Qoraal Kooban)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

market

Soomaalida ayaan lahayn wax warshado ah, balse illaahay ku beeray meel staraataji ah, Illaahay siiyay dhul ku habboon daaqsinka iyo Beeraha, iyo waliba bad baaxadwayn.

Hase yeeshee horta Soomaalida meesha laga raacay, waa iyagoo garanwaayay nimcada sida goonidaa illaahay u siiyay, oo la rabay in ay daqiiqad kasta ku xamdiyaan oo illaahay ugu xamdi naqaan, waxaadse mooddaa in ay taas aynan samamyn, dabadeedna la galliyay Imtixaan.

Hadda waxaa laga rabaa ruux walba oo Soomaaliya maallin iyi habayn, saacad walba in illaahay lowgu mahadnaqo nimcada sida gaarkaa illaahay Soomaali u siiyay.

Dhanka kale intii Soomaali is xasdaysay oo isdulminaysay, oo is qabaaladaynaysay, ama dulmiga la isku taageerayay, marna xayawaankii duurjoogta ahaa iyo beelihii tabarta yaraa ee Gabooye iyo beelaha yar yar oo dhan la dulminayay, isla markaana aan dulmigaas la iska wacyi gallin, waxay taasi qudheedu dhashay imtixaaan.

Isku soo duub.

Kalluunkii Soomaalida maanta waxaa ka ganacsada ajaanib, waxaanad mooddaa in su ula kaca Soomaalida looga hor istaagay in kalluun laga iibsado, oo waxaad mooddaa cidii isku dayda in lala dagaalamo oo la laaluusho.

Waxaase ugu daran Suuqii xoolaha ee Soomaalida in uu hadda meesha ka baxay, ayna  adagtahay in uu dib usoo noqdo, waayo waxaad mooddaa in suuqaas ay Jabuuti iyo Itoobiya qaateen.

Dalalka Sacuudiga iyo imaaraatka ayaa joojiyay xoolihii ay Soomaaliha ka iibsan jirreen, oo taa badelkeeda xoolaha ka qaata Itoobiya oo isticmaalaysa dekadda jabuuti.

Itoobiya illaa suudaan, Kenya, ugandha ayay xoolaha kasoo qaadanaysaa, dabadeedna waxay ka dhoofinaysaa dekadda Jabuuti, waxaanad mooddaa in itoobiya siyaasadda dalalka khaliijka Soomaalida kaga dheeraysay.

 

Waxaas oo dhami waa imtixaan Soomaalida lagu imtixaamayo illaa ay kibirka iyo dulmiga joojinayaan.

Halkaan ka eeg Itoobiya oo qaadatay suuqa xoolaha ee dalalka Khaliijka.

2 Responses to Somalia Oo Xoolihii In Laga Iibsado La Diiday, Kalluunkii In Laga Iibsado La Diiday, Xawilaadii Laga Joojinayo (Qoraal Kooban)