Somalia Un Trasteeship -Maxmiyad Un ah Gardaadis (Article Maqaal)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

un

WHO: Wasaaradda Caafimaadka
UNICEF: Wasaaradda Waxbarashada
UNESCO: Wasaaraddda Waxbarashada Sare, Warfaafinta, Hiddaha iyo Dhaqanka
World Bank: Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagta iyo Shaqaalaha
FAO: Wasaaradda Beeraha, Kaluumeysiga, iyo Xannaanada Xoolaha
ICAO: Wasaaradda Duulista
UN Habitat: Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeenta
UNHCR: Wasaaradda dejinta Qaxootiga iyo Barakacayaasha
UNDP: Wasaaradda Qorsheynta, Arrimaha Gudaha iyo Cadaaladda
AMISOM: Ciidamada, Booliska iyo Nabad Sugidda
IMO: Wasaaradda Dekadaha iyo Hawlaha Maraakiibta
Qorshaha Dhow. Waa haddii uu fashilmo Hiigsiga 2016.
Dhammaan wasaaradan madaxda sare waa iney noqdaan shisheeye. Kuwa waddanka
udhashay waa iney ku ekaadaan hawlwadeenno. Amarka iyo guddoonka waxaa leh dad
ajaanib ah oo hagaya dhammaan go’aamada wasaaradahan. Madaxada wasaaradaha waa
wasiir, ku xigeen, iyo agaasimayaasha oo idil oo wada ah dad aan Somali aheeyn.
Waa sida la filayo in hannaan dawladeed, hawl qabad, eex la’aan iyo musuq yari loogu soo
celin karo waddankan.
Haddii laga waayey ummadda Somaliyeed haldoor ukaca oo hoggaanka u qabta dalka, waa
waajib in adduun-weynaha usoo gurmado oo dib u gardaadsho. Toban sano oo gardaadis
Qaramada Midoobe ah (UN Trusteeship) waa lagama maarmaan – (2016 – 2026).
Waxaa Madax ka noqonaya Gardaadiskan khabiir laga keenay UN Secretariat sida kan hadda joogo – Nicholas Kay.
Maqaalkan wuxuu u gaar yahay cusmaancumar@gmail.com

Puntlandobserver waa ay u furantahay qofkasta in uu fikirkiisa ku soo bandhigo