Somalidu mala jaanqaadi karaan Siyaasadda Dunida (Falanqayn kooban oo muhim ah)

Filed under: Wararka |

Dadka asalkoodu Soomaalida kasoo jeedaan waa dad aan saas usii badnayd marka dadyowga dunida maanta ku tartamaya loo eego.

Dadka Soomaalidaa inta badan uma badna dad lasocda hardanka siyaasadda ee dunida kasocda iyo cidda siyaasadda dunida ku loolamaysa.

Dadka Soomaalidaa illaahay waa u hiiliyay markii lasiiyay dhul meel Stratighic ah kuyaal oo aad u baaxad wayn, oo bad aad u ballaaran leh, laakiin waxay garan waayeen in ay la jaanqaadaan siyaasadda dunida kasocota, waxaanad mooddaa umad dhan oo ka dhega’la waxa dunida kasocda.

Waxaa intaa sii dheer, wixii ka danbeeyay 1990 Soomaali malaayiin gaaraysa ayaa soo degay dalalka reer Galbeedka oo noloshoodu ay maanta aad ugu xirantahay dalalka reer Galbeedka, arrinkaas oo loo baahanyahay in ay Soomaalidu il gooniya ku eegto oo aynan iska indha tirin.
politics
Maanta dalalkii reer Galbeedka ahaa waxaa la loolamaya wadamada Bariga waxaana ku socda dagaal ladoonayo in lagala wareego talada iyo dhaqaalaha ay in muddo ah soo maamulayeen.

Waxaana hadda cad in ay dalalku reer Galbeedku doonayaan in ay Soomaalida ka dhigtaan Jaalkooda, maaadaama ay Soomaali aad u badan ku hayaan dalalkooda, laakiin arrinkaas waxaa garan la Soomaalidii oo aan garanayn sida siyaasadda loo ciyaaro.

Soomaalida waxaa loo baahanyahay in aynan isku mashquulan Loolanka Siyaasadda ee u dhexeeya dalalka waawayn ee hantida iyo quwadda haysta ee ay taa badalkeeda dantooda gartaan lana shaqaystaan oo wax la qaybsadaan Dalalka Reer galbeedka maadaama ay hadda malaayiin Soomaaliya ku nool yihiin dalalkaas reer Galbeedka, iyagoo ka fa-iidaysanaya Qurbajoogta Soomaalida ah ee ku nool dalalkaas.