Somaliland, waxaa ka howl gala saddex shirkadood, Jacka Resources oo Australia,Ophir Energy oo UK,Genel oo ah shirkad Turkey iyo British isku jira (akhri cilmaaris cajiiba oo uu sameeyay)

Filed under: Wararka |

HIPS-Oil_in_Somalia-SOMALI (Warbixinta hoose oo dhamastiran)

Bariga Africa marka la eego, 10% ceelalka shidaal ee
la qoday waxaa laga qoday Soomaaliya. (Abiikar,
2012). Inkastoo sahanka tamarta ee aaggan uu wali
marayo heer aan sugneyn, haddana kaydka

shidaalka dhex ceegaaga gayiga Soomaaliyeed
waxaa lagu qiyaasaa 110 billion oo barmiil, taas oo
la simeysa Kuwait (UPI, 2012).

Sidoo kale, waxaa
qiyaasayaa in xeebaha Soomaaliyana ay dhex
ceegaagaan kayd aad u ballaaran gaas dabiici ah.
Iyadoo ay ka go’an tahay inay si xowli ah ugu biirto

Inkastoo filashada laga qabo shidaalka Soomaaliya
aad u sarreyso, haddana wali si qoto-dheer looma
sahmin dhulka. Sahankii la sameeyey wuxuu u
badnaa waqooyiga Soomaaliya, sababo xagga
amniga ah dartood. Gobolka goonida isu-taagay ee
Somaliland, waxaa ka howl gala saddex shirkadood

oo kala ah: Jacka Resources oo Australia laga
leeyahay, Ophir Energy oo UK laga leeyahay iyo
Genel oo ah shirkad Turkey iyo British isku jira.
Shirkadda Ophir iyo midda Imaaraadka Carabta
laga leeyahay ee Ras Al Khaimah Gas (RAK Gas)
ayaa haatan ka qayb qaadanaya Heshiiska Wax Soo
Saarka Berbera (Oil Investing News, 2012).
Dowladda Somaliland ayaa 25-kii April 2013 ku
dhawaaqday inay heshiis kale la gashay shirkadda
Norway laga leeyahay ee DNO (Mallory, 2013).

Isha: http://www.hornpetroleum.com/Operations.html
Sidoo kale, Genel ayaa rukhsad sahmin shidaal la
siiyey kaddib markii ay $40 million oo dollar u
yaboohday Somaliland, lacagtaas oo ah mid aad
weyn marka la eego miisaaniyadda Somaliland oo
saddexdii sano ee lasoo dhaafay ka agdhaweyd $175
million sanadkii. Iyadoo ka duuleysa ballan-qaadkii

Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilligii doorashada
2010-ka ee ahaa inuu dhammeystiri doono wajiga
hore ee sahminta shidaalka inta uu jagada hayo,
ayay shirkadda Genel waxay ku rajo weyneyd inay
sanadkan 2014 ceelkii ugu horreeyey. Balse
shirkadda ayaa hakisay howleheedii sababo xagga
amniga ah dartood (Africa Confidential, 2013c).
Dowladda Puntland, oo ah maamul-goboleed la
sameeyey sanadkii 1998-dii, ayaa sanadkii 2005-tii
saami weyn waxay shirkad Australia deggan oo la
yiraahdo Range Resources ka siisay laba goobood
oo waaweyn oo shidaalka laga baaro, iyadoo sidoo
kale siiyey goobo kale oo badda ku dhex yaalla. Labo
sano kaddib, shirkadda ayaa heshiis la galay

Puntland lana wareegay 100% aagagga Nugaal iyo
Dharoor, iyadoo isla markaana 80% usii gudbiyey
shirkad Canada laga leeyahay oo la yiraahdo
Canmex Minerals (oo hadda Africa Oil Corp la
baxday). Sanadkii 2012-kii, Puntland waxay
oggolaatay in sahankii ugu horreeyey la billaabo,
iyadoo shirkadda Range Resources and midda
Horn Petroleum (oo ay leedahay Africa Oil Corp) ay
si wadajir ah qodis uga billaabeen aagga Dharoor.
Si kasaba ha ahaatee, kaddib markii ay laba ceel oo
sahan ah wax shidaal ama gaas ah soo saari
waayeeyn, labadiiba waa la duugay

Xiisahan loo qabo shidaalka waxaa kaloo laga
dheehan karaa dalalka dhaqaalohoodu soo kobcayo.
Tusaale ahaan, shirkadda China National Offshore
Oil Corporation (CNOOC), waxay ku guuleysatay
inay oggolaansho sahmin shidaal ka hesho
Dowladda KMG aheyd, xilligii Madaxweyne C/llahi
Yusuf (Jopson, 2007). India ayaa sidoo kale xiiso
muujisay, iyadoo soo jeedisay inay tababarto
Ciidanka Xoogga Dalka, kordhiso ganacsiga labada

dhinac isla markaana ay Soomaaliya kusoo
dabbaasho shabakaddeeda Internet-ka si ay xoojiso
tayada xagga tiknoolajiyada, iyadoo dooneysay inay
howlahaas fursado shidaal ku beddeleto. (Assl,
2012; Africa Confidential, 2013c).

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa waxaa soo
waajahay kufaa kac badan sanadihii lasoo dhaafay.
Colaado badan iyo maamullo kala duwan ayaa
dalka soo maray. Waxaa kaloo sameysmay
maamul-goboleedyo waaweyn. Somaliland and
Puntland ayaa ugu waaweyn, balse waxaa jira kuwa
kale, sida Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo
Jubbaland. Waxaa jirta in maamulladaas qaarkood
ay heshiisyo la saxiixdeen shirkado ajnabi ah,
iyagoo aan oggolaansho ka heysan Dowladda
Federaalka. Taas waxay horseedday xaalad mugdi
galineysa waajibaadka qandaraasyada la kala
saxiixday iyo cidda dhab ahaan iska leh xuquuqda
khayraadka—arrintaasna dood ayaa wali ka taagan.