Soomaali Baan Ahay (Hees ka turjumaysa asalka dhiigga Soomaaliga)

Filed under: Heeso,Important News,Wararka |

Somaliflag
Soomaali Baan Ahay

Waqtiyada socdaalka ah
Xilliyada bal suuree
Soojire haddaad tahay
Sadarrada dib ugu noqo
Soomaali waa kuma?

Sinnaantaan la magac ahay
San-ku-neefle ma oggoli
Inuu iga sarreeyn karo
Anna garasho sogordahan
Sooryo ruux ugama dhigo,
Soomaali baan ahay.

Ninna madax salaax iyo
Kama yeelo seetada
Sasabo ma qaayibo
Sirta waxaan idhaahdaa:
”Saab aan biyaha celin,”
Soomaali baan ahay.

Inkastoon sabool ahay
Haddana waan sarriigtaa
Sacabbada ma hoorsado
Saaxiib nimaan nahay
Cadowgayga lama simo,
Soomaali baan ahay.

Socdaalkaygu waa meel
Sahaydaydu waa dacar
Soohdintaydu waa caan
Seeftaydu waa cudur
Naftuna geedka iga sudhan,
Soomaali baan ahay.

Nin i sigey ma nabadgalo
Nin i sugayna maba jiro
Libta wali ma siiddayn
Gardarrada ma saacido
Nin xaq lehna cid lama simo,
Soomaali baan ahay.

Nabaddaan u sahanshaa
Colaaddaan ka selelaa
Soomajeeste goobaha
Ninka nabarka soo sida
Gacantiisa kama sugo,
Soomaali baan ahay.

Dabayshaan la socod ahay
Salfudaydna uma kaco,
Waabay sunnaan ahay
Marna samawadaan ahay
Samir baan hagoogtaa,
Soomaali baan ahay.

Ninkaan tayda soli karin
Uma yeelo suu rabo
Sida dunida qaarkeed
Sandulleeynta ma oggoli
Ninna kabaha uma sido,
Soomaali baan ahay.

Ninka iga sed roonow,
Siintaada magaca leh
Ogow kaama sugayee
Hana odhan sasabo badow
Dareen seexda ma lihiye,
Soomaali baan ahay.

Saan la kala jaraan ahay
Summadi ay ku wada taal,
Rag baa beri i saanyaday
Anoo xoolo soofsada,
Xil midnimo anaa sida
Soomaali baan ahay.

Loox-ereyga: Cabdulqaadir Xirsi Yamyam
Laxanka: Daahir Cali Jimcaale
Luuqda: Kooxda Iftin
Laacdantunka: Kooxda Iftin
Lagu Sameeyey: Muqdisho, 27.02.1978

Tifaftiraha
puntlandobserver@gmail.com

One Response to Soomaali Baan Ahay (Hees ka turjumaysa asalka dhiigga Soomaaliga)

  1. Pingback: Soomaali Baan Ahay (Hees ka turjumaysa asalka dhiigga Soomaaliga) - Daily Somalia Report