Soomaali wada siman baan doonaynaa Axmed Naaji iyo heesta wacyigalinta sanadka 2016 (Daawo)

Filed under: Aqoon-kororsi,Dawlad-Wanaagga,Heeso,Important News,Wararka |

Soomaali wada siman
Fanaanka Wadanigaa ee caankaa Axmed Naaji Sacad iyo kooxda Qayla dhaan ayaa sanadka cusub 2016 soo bandhigay hees cajiiba oo ay ugu magac dareen Soomaali Siman baan doonaynaa.

Siman wada siman
Soomaali wada siman baan doonaynaayoo
Cidna kala sarayn baan doonaynaayee
Sidi hore aynu ahaynee
Soomaali gidi wada simanoo

Saadir eebow ku barinayee
Sacabadaan ku hoor sanee
Sidii hore noogal yeellee
Aamiin Aamiin

Saadirkii na uumaa Simayoo
Umaddiisa wada simayee
Suuradaha Quraankaa sidaa
innoogu bayaanshayoo
Sax innoogu sheegee.

Sokeeyiyo Qabiil iyo sinji la isku faannaa
Loo sacabatumayaayee
Soconmaysa Taasoo
Socon mayoa Taasoo
Suurtoobi maysee

Soomaalidu waa walaaloo
Gidigeed walaalo weeyee
Saadir eebow ku barinayee
Sacabadaan ku hoor sanee

Sanoyinkii lasoo maray
Silac iyo dhibaatadii
Sinna u illaawi maynee
Qarankii Soo celinay

Soo celinay Qarankii Soo celinayee
Sumcaddii wadankeeniyo
Sinaan iyo Cadaaladdii
Samaha aan ka taliya oo
suga suga nabdiina
Suga ooo

Dalkiyo dadkuba waa idin sugayaayee
Soomaalaay walaalayaalow
Dalkiyo dadkuba waa idin sugayaayee
Hiigsigaan usoconayiyo
Saadaashu waa guul

Saadirkii na uumaa Simayoo
Umaddiisa wada simayee

Sokeeyiyo Qabiil iyo sinji la isku faannaa
Loo sacabatumayaayee
Soconmaysa Taasoo
Socon maysa Taasoo
Suurtoobi maysee

Sinaan iyo cadaalad iyo
Samahoo kataliyoo
Suga suga
Nabadiina suga oo

Dalka iyo dadku waa idin sugayaanee
Soomaalay walaalayaalow dadkiyo dadku
waa idin sugayaanee

Hiigsigaan usoconayiyo
Saadaashu waa guul

Saadirkii na uumaa Simayoo
Umaddiisa wada simayee
Suuradaha Quraankaa sidaa
innoogu bayaanshayoo
Sax innoogu sheegee.

Sokeeyiyo Qabiil iyo sinji la isku faannaa
Loo sacabatumayaayee
Soconmaysa Taasoo
Socon maysa Taasoo
Suurtoobi maysee