Soomaalida OO Khadyaan Ka Taagan Ethiopia Iyo Saudi Arabia Iyo Xulafadooda (Qormo Gaaban)

Filed under: Important News,Wararka |

ethiopia-saudi-arabia
Soomaalida oo aan sideedaba lahayn qaraabo asala waayo soomaalida laguma tiriyo African, Laguma Tiriyo Asian, Laguma Tiriyo european.
Laakiin Soomaalida ayaa ah dad muslim ah isla markaana xubin ka ah Jaamacadda Carabta.
Dalalka reer galbeedka ayaa Soomaalida ku colaadiya diinta islaamka iyo carabta oo ay la xulufo yihiin, waana sababta Kenya iyo Ethiopa loo siiyay dhul soomaaliyeed.

Hase yeeshee baaritaankii aan samaynay waxaa noo soo baxay in uu dalka Sacuudi Arabiya ka gallay kaalinta koobaad burburintii qaranka Soomaaliyeed, arrinkaan oo aan marna u cuntamayn ruux caadiya oo is oranaya dalkii dartiis la ii colaadiyay oo aan ka sugayay hiilo ayaa kaalinta koobaad ka gallay burburintayda.

Akhri qormadaan
Doorka ay Saudi Arabia ku lahayd burburkii soomaaliya ma lagaaray xiligii ilgooniya lagu eeggi lahaa (Falanqayn Kooban)

Waxaase baryahaan isa soo taraya dalka Ethiopia oo awal lagu tuhmi jiray in uu ahaa xarunta lagu fallanqeeyo burburinta qaran Soomaaliyeed, balse maalmahaan uu isa soo tarayo sida ay Ethiopia seefta galka ugala baxday sidii ay u burburinlahayd bidhaanyar oo dawladnimo iyo dadaalo ay shacabka Soomaalidaa wadeen.

Intii la badelay wasiirkii arrimaha dibadda ee hore ee Ethiopia waxaa isa soo taraya siyaasad aan gabasho lahayn iyo laba kaclayn isa soo taraysa in Ethiopia marlabaad hawlaheedii guracnaa dib ula soo noqotay.

Waxaase ka daran in Sacuudigu baryahaan isna ku biiray maalgallinta siyaasadda guracan ee qaranimada Soomaaliya lagula dagaalamyo, waxaanad arkaysaa dhamaan kuwii siyaasadda Soomaaliya ku fashilmay oo si hoose isaga gooshaya Addis-ababa iyo Sacuudiga.

Waxaa kaloo ay dad badan is waydiinayaan sababta ay Ethiopia uga kaxaysan wayday Soomaaliya Generaal Gabra oo baryahaan soomaalidu aad uga qaylisay.

One Response to Soomaalida OO Khadyaan Ka Taagan Ethiopia Iyo Saudi Arabia Iyo Xulafadooda (Qormo Gaaban)