Soomaalinimada In lagu Kala Tago Yay U Darantahay??.

Filed under: Important News,Wararka |

Wixii 1990 ka danbeeyay Soomaalidu waxay u qaybsantah laba kooxood.
koox diidan wadajirka Soomaalida, iyo koox mudada intaas le’eg geed dheer iyo geed gaabanba usoo martay sidii looga shaqayn lahaa midnimada Soomaalida.

Kooxaha diidan Soomaalinamada qabiilkastay leeyihiin, waxayna ka shaqeeyaan waxkasta oo burburinkaa midnimada iyo wadajirka.

Waxayna inta badan ka shaqeeyaan sidii fidno joogta ah marwalba loo abuuri lahaa, cadaalad daro loo abuuri lahaa, dad masaakiina xuquuqdooda loo duudsiin lahaa.

Waxay ka shaqeynayeen sidii umad magaalo degan loo barikicin lahaa oo xoolahooda iyo cirdigooda loo xalaalaysan lahaa—-> Xasuus ninkii ka shaqeeya cadaalad daro, waa nin ka shaqaynaya kala ququb iyo abuurid fawdo.
Waxay ka shaqaynayeen sidii aynan marna Muqdisho nabad u noqon lahayn.

Waxaase cajiiba haddii shaqsiyaad kooban ay ficilooyinkaas la yimaadeen shacabkiina falkaas ku taageeray shakhsiyaadkaas sow markaas ma cadda.
Tusaale siyaasiyiin kasoo jeedda Hargaysa waxay la yimaadeen fikirka gooni isutaagga, laakiin waxaa ku taageeray shacabka reer hargaysa.

Dhanka kale Hogaamiye kooxeedka magaalada Muqdisho fidnada ka shaqaynayay illaa maanta, waxay ahaayeen siyaasiin iyo ganacsato kooban, laakiin haddii aynan helilahayn taageerada shacabka maanta Muqdisho nabad bay ahaan lahayd, waxayna ahaan lahayd Caasimad Soomaaliyeed.

laakiin siyaasiin iyo Ganacsato reer Muqdisho ah ayaan rabin in Muqdisho nabad noqoto, oo waxay isleeyihiin magaalada haddii la nabadeeyo Soomaali oo dhan baa idinla qaybsanaysa qandaraasyada iyo ganacsiga aad mudada soo haysateen, waxaana kasii daran shacabka oo fikirkaas si dadban ugu taageray.

Waana sababtaas sababta aynan Soomaaliya waligeed dawlad u halayn, mar haddii mgaaladii madaxa umadda u ahayd ee Muqdsiho aan la nabadayn, isla markaasna aan la ogalayn in caasimadda si ku meel gaara loo wareejinayn.

Sidoo kalena Qolada reer hargaysa ay lasoo taaganyihiin Daarood baan ka go’aynaa.

Markaas sow lama oran karo reer Hargaysa iyo Reer Muqdisho waxay ka sinaayeen in aan dib danbe qaran Soomaaliyeed la hellin.

Hadaba haddii aan Soomaalinimada diyaar loo ahayn maa lagu kala tago, bal markaas ha la arko ciddii aan kaligeed noolaan karin iyo ciddii kale.

Puntlandobserver Desk.

2 Responses to Soomaalinimada In lagu Kala Tago Yay U Darantahay??.

  1. Pingback: Soomaalinimada In lagu Kala Tago Yay U Darantahay??. - Daily Somalia Report