Soomaaliya Dan uguma Jirto Dagaalka Xulafada Sacuudiga Iyo Xulufada Qadar, Iyo Warbixn Xasaasiya Taariikhdii Urur-diimeedyada Soomaaliya Halka Ay Dhaqaalaha Ka heli jirreen

Filed under: Important News,Wararka |

PEACE

-Gaas iyo Cumar Cabdirashiid oo ku noolaa Maraykanka iyo Canada Nolashooda intii badnayd, waxbaannu baraynaaye arrintaan hoose ha darseen.
-Soomaaliya oo mad-habkeedu yahay Shaaficiya, caqeedadeeduna ahayd Ashcariya. –Burburkii dawladda dhexe ee Soomaaliya kadib, waxaa la keenay Soomaaliya mad-habka la yiraahdo Wahaabiya, oo loo soo dhiibbay niman la yiraahdo Al-Itaxaad .

-Dadkii 1991 Xamar laga soo barakiciyay markii ay yimaadeen Gobalada Waqooyi Bari iyagoo aan biyo iyo baad midna-haysan, oo geedaha hoostooda fadhiya, baa dagaal diimeed lagu soo qaadday, waxaan waydiinayaa diinta dadkaas hantidooda lagu xalaashaday maxay ku salaysnayd?, dagaalkaas oo khasaaro badan dhaliyay, hadana dhaqaale laga keenay Sacuudiga baa dadkaas lagu weeraray, iyadoo dagaalkaas loo baxshay Dagaalkii Itaxaadiya, mahadda illaahay baa iska leh, cabdullaahi yusuf alla ha u naxariisto dagaalkuu hogaaminayay baa lagu jabiyay nimankaas itaxaadkaa.

-Waxaa makhraati ma doonto ah, buugguu Cabdullaahi qoray iyo waftigii uu Sacuudigu soo dirray si loo dhexdhexaadiyo SSDF iyo Itaxaad, Cabdullaahin Yusufna wuu ku gacansayray.

Wahaabiyaddu markay magac ku jabtaba magac bay la baxdaaye, markii gobalada waqooyi bari lagu jabiyay waatay la baxeen, Mustaqilliin.

Gedo dagaalkii ka dhacay ee uu Cumar Xaaji Marsale uu hogaaminayay alle ha u naxariisto waa looga guulaystay kooxihii wahaabiyadda.

-Kadibna Xamar bay galleen oo waxay la baxeen Maxaakiimta, oo ka koobnaa laba iskuul ama laba kooxood.

Qolo Maxaakiimtiiya waatay la baxeen Nasrudiin, waxaana taakulaynayay Sacuudiga.

Qolo kale oo maxaakiimtiiyana waatay  la baxeen Saalaxudiin Ayuubi, waxaana taakulaynayay Qadar, waana qolada marka danbe la bixi doonta Alshabaab.

-labada qolo ee maxaakiimta waxay ku talagalleen,  in ay nimankii dagaal oogayaasha Xamar ka saaraan isla markaana dawladdii Imbigaati ee Cabdullaahin Yusuf ka hortagaan.

-Waxaa kaloo jiray ururkii Islaax ee Masar taakulada ka helayay oo iyana laba u kala qaybsanaa, oo qaybtii damjadiid waatay maxaakiimta la dagaal galleen, halka qaybtii kale dhanka iskuulada ku ekaadeen.

Maxaakiimtiina waxay ukala jabeen laba kooxood, oo kooxdii Saalaxudiin Ayuubi ee ay qadar taageerijirtay waxay la baxeen Alshabaab.

Qoladii kale ee sacuudigu iyo imaaraadku taageerijiray ee nasrudiin waxay la baxeen, magacyo badan sida Ictisaam, xisbul islaam iyo magacyo kale.

-Dagaalkii diimaha ee Soomaaliya waxaa ku adkaaday kooxdii qadar ay taageeraysay ee Alshabaab.

Marka dagaalka ka dhexeeya labada qoloee Xulufada Sacuudiga iyo xulufada Qadar  wuxuu ka socdaa dalal badan sida,  Masar, Liibiya, Yemen, Ciraaq, Siiriya, iyo xitaa arrintii oo qadiyaddii falastiin dhex gashay.

Soomaaliya dannta ugu jidha maxay tahay in la dhexgaliyo dagaaladaas, maxay tahay danta Soomaaliya ugu jidha innay qolo la safato, iyadoo intaas oo sano dagaal lagu hayay Soomaaliya, in ay maanta qolo raacdo maxay tahay danta Soomaali ugu jidhaa-

-Mise siyaasad kale oo Soomaaliya loo jiheeyaa la waayay.

Fiira gaara.

Waxaan u sheegahayaa Gaas iyo Cumar Cabdirashiid, iyo Farmaajo iyo Khayre iyo Shariifka, iyo Axmed Madoobe, iyo Odayga Xaafa iyo Siilaanyo.

-Isu imaada oo tashada oo dalkaan meel u jiheeya, waxaan ognahay in xafiisyada madaxtooyada maamul gobaleedyada in ay Sacuudiga iyo imaaraadka iyo Qadar ay dad u shaqeeya ay xafiisyo ku leeyihii.

Waxay fadhiyaan Golaha shacabka, xafiisyada madaxtooyada, waana wada naqaan oo hebel iyo hebel baa loo yaqaan waana jawaasiis dhmmaan maamul gobaleedyaday hoos fadhiyaan, marka ka tashada sidii dalkaan iyo dadkaan loo jihayn lahaa.

-Khaas ahaan waxaan la hadlayaa nimanka baasaboorada ajaanibta wata ama ha noqdaan Madaxwayne ama wasiir.

-Ama lacagtiina iska gurta iyadaa dani idiinku jirtaaye-

Mp.

-Labada wiil ee bah Carabsaalax, Gaas iyo Cumar Cabdirashiid inay umadda reer Puntland ka fariistaan oo marrin xumada ka daayaan umadda reer Puntland baan ugu baaqaynaa.

 

Qore Warsame Axmed

 

 

2 Responses to Soomaaliya Dan uguma Jirto Dagaalka Xulafada Sacuudiga Iyo Xulufada Qadar, Iyo Warbixn Xasaasiya Taariikhdii Urur-diimeedyada Soomaaliya Halka Ay Dhaqaalaha Ka heli jirreen