Soomaaliya Oo La Isku Haysto Iyo Riwaayadda Shacabka Soomaaliyeed Loo dhigahayo (Qoraal Xasaasiya)

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

-Waxaan leenahay shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa taariikhda in laga barto qaladaadkii shalay in aan dib lowgu noqon.

-2009 markii Cabdullaahi Yusuf is casilay markii calankii Soomaaliya Villa Soomaaliya laga taagay maxaa ka danbeeyay.

275 baarlamaankii ahaa in 275-kale lagu daro ayay international Cumminity ka shaqeeyeen.

550 xildhibaan shacabka Soomaaliyeed in wadankaanni qaadi karray ha iswaydiiyeen?.

-DFS markii ay ka baxday 2012-kii ku meel gaarkii oo Xasan la doortay 2012-kii oo lacagtii Qadar lagu doortay ku meelgaarkiina laga baxay.

-Xasan wuxuu Soomaaliya ka sameeyay 4-tii sano, la iswaydiin mahayo, qofkasyta waa ogyahay.

-Waxaa badelay Farmaajo 8 February oo lagu doortay lacagtii Qadar marlabaad.

-Maantay meeshay taagantahay arrinta Soomaaliya waa xaggee?.

-Soomaaliya maanta laba kooxood baa ku loolamahaya.

-Farmaajo iyo raggiisa -> Fahadyaasiin, Shoole, Khayre -koox badan oo kaashanahaya Turkiga iyo Qadar, lacag badana ka hellay Qadar iyo Turkiga, lana doonahayo in lagu badello madaxda dawlad gobaleedyada oo meesha la keensado madax kooxdaan taabacsan, arrintaas oo salfatay Hirshabeelle -Cali Cabdullaahi Cosoble, hadana Galmudug ay rafanayso  oo wali aynan naftu ka dhicin kuna jirrin, gacanta sadexaadna lala damacsanyahay Baydhabo Madaxwayne cusub looga hirgallinlahaa.

-Nimanka Villa Soomaaliya ee qaskaas samaynaya xukunkoodu ma dhaafsiisana Jasiira iyo Dayniile.

-Kooxda labbaad.

Waxay la baxeen isbahaysiga maamul-gobaleedyada iyagoo ka falcelinahaya arrinka kasoo burqanahaya Xamar, oo garab ka helahaya Imaaraadka, Sacuudiga iyo Masar iyo dawlada kaleeto, taasoo sii dardargallisay in lala wareego dekadihii Boosaaso iyo Berbera, Berberana saldhig militery laga samaystay.

-Iyadoo siyaasaddii bariga dhexe tiilay la rabo in loosoo raro Soomaaliya.

-Nin ka mida madaxda dalalk Asia oo kamida Taliyeyaasha ciidamada, nikaas oo ka hadlahayay akadeemiyo wayn oo la hadlahayay niman siyaasiina oo khubaro ah wuxuu yiri.

28-ka sano oo soo socda ka bacdi, wadamo badan oo shidaal laga soo saaro hadda ayaan shidaalkoodu dhammaan doonnaa, waxaana la isku qabsan doonnaa wadamada dihin.

-Marka Soomaaliya laba arrimoodba waxay u tahay dulmane (victim).

1)-Istaraatiji ahaan meesha Soomaaliya ku taal.

2) Khayraadka Soomaaliya ama Bad ama macdan, ama beero ama xoolo, ayaa lagu qabsanahayaa.

Dawladda dhexe iyo dawlad gobaleedyadu labaduba wax qorshe qaran ah oo umadda Soomaaliyeed loosoo bandhigay ma ay jirraan.

-Marka ma aqoon xumo iyo karti xumaa u gaysay, mise dawladahaas ku lifaaqan bay u shaqaynahayaan oo san-dareertay gurubsanahayaan.

-Arrintaasuna Soomaaliya waxay dhaxal siinaysaa, hadday Soomaaliya tashan waydo in loo taliyo, hadday wax qabsanwaydana in la qabsado.

Talo.

  1. Dfs iyo maamul gobaleedyada, waxaan u sheegaynaa, dawlad dan kaa leh, ciidamadaada, booliskaagfa iyo sirdoonkaaga siday u shaqeeyaan dawlad dan kaa leh iyo mid aan kaa lahaynba in ay ogaadaan ma ahan.
  2. Qaabka aad dhaqaalahaaga u maamusho in aan iyadan la ogaanin.
  3. Madaxda DFS iyo Madaxda Dawlad Gobaleedyadu ma waxynan kala aqoon Mashruuc (Project) iyo qorshe dawladeed (state program).

-Dadka Soomaaliyeed inay ka fiirsadaan dadkooda iyo dalkooda, qofkasta oo damiir iyo caqli leh in uu dadkiisa iyo dalkiisa u naxo.

-ugu danbayn dhibaatada oo dhan waa shacabka Soomaaliyeed, iyo xildhbaanada, iyo isimada oo codka xildhibaanka iibsanahaya, hadde xildhibaankaas hadhow danahii umadda ma waaridiyaynahayaa.

Qore Warsame Axmed

 

 

 

 

 

 

 

 

One Response to Soomaaliya Oo La Isku Haysto Iyo Riwaayadda Shacabka Soomaaliyeed Loo dhigahayo (Qoraal Xasaasiya)