Tacsi Geerida Naxdinta Leh ee Ibrahin Cali Ducaale

Filed under: Important News,Wararka |

tacsi1

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illaahi Raajicuun.

Dhammaan Jaaliyadda Soomaalida ee Finland gaar ahaan reer Espoo waxay tacsi tiiraanyo leh u diryaan dhammaan qoyska ilma Ibrahin Cali Ducaale  kadib markii uu maalintii shalay  uu geeriyooday  alle ha u naxariistee  Ibrahin Cali Ducaale magaalada Hargaysa .

Finland waxaa kunool Maxamed Ibrahin Cali Ducaale  iyo Axmed Ibrahin Cali Ducaale, Hooyo Sucaad Cali Dhuux.

Waxayne jaaliyadda Soomaalida ee Finland gaar ahaan reer  Espoo geerida naxdinyta leh ula tacsyaynayaan  qoyska iyo qaraabada reer Ibrahin Cali Ducaale.

Illaahay naxariistii janno haka waraabsho Ibrahin Cali Ducaale , qabriga illaahay ha u waasiciyo, dambigiisa illaahay ha dhaafo, daaqada janadana illaahay ha u furo.

Wabbillaahi Tawfiiq.

Jaaliyadda Soomaalida ee Espoo/Leppavaara/Finland.