Taliyaha Booliska Puntland C/Qadir Shire Faarax Ereg Oo Jaaliyadda Seatle Uga Sheekeeyay Weerarkii Alshabaab Puntland Ku Soo Qaaday (Daawo)

Filed under: Important News,Wararka |

Waxaa maalmahaan ku sugnaa dalka Maraykanka Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Cabdulqaadir Shire Faarax Ereg.
Jaaliyadda Soomaalida ee Seatle ayaa u sameeyay xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweeyay Taliye Ereg.
Ereg ayaa khudbad taariikhiya ka jeediyay xafladda kana sheekeeyay mucjisadii ay kala kulmeen weerar qorshaysan oo ay Alshabaab kusoo qaadeen Puntland.
Waxay wateen hub cajiiba, waxay wateen kiniini aynan qofka cuna 24 saac qabanayn gaajo oo nafaqo wata iyo buskud nafaqao wata, waxay wateen qoryaha PKM ee qaaligaa ee halkii qori Soomaaliya ka joogo 10 kun dolar iyo baasuukayaal oo 7-dii askari 5 baa baasukayaal iyo pkm watay.
Waxay ahaayeen niman tababaran oo 10-kii askari ee alshaabab waxay qodanayaan dhufaysyo oo xabadda waa dhaqaalaysanayaan oo markaad maantoo dhan adigu xabadda ridaysid iyago xabad soo ridimayaan, markaad istiraahdo bal fiiri bay madaxa kaa tooganayaan oo waa ay tababaranyihiin.
Hase yeeshee illaahay baa nala jirray oo waa ay naga gardaraayeen oo gododkoodii baan ugu galnay, waana soo qabqabanay.

Shabaab anagu duullaan kuma nihin, oo qofkii kasoo noqda waxba uma diidinin, ee iyagaa weerar nagu ah.
Shabaab xiligoodii waa dhammaaday, ee waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed haka qaybqaateen soo sheegidda nimankaan meelaha ku dhuuntaan.

Maalintii dagaalku socday dagaalka waa ka qaybqaatay oo hal saf baa iga horeeyay wallaahay, waayo waxaan aaminsanahay in aan dhimanayo hal maallin.