TALO:-PLTV-MADAX BANAANI IYO TAYO WANAAG WARBAAHINEED.

Filed under: Wararka |

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabada,Midnimadda iyo Cadaaladda
Codka inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed iyo qiiradda dhabta
ah(Somaalinimadda leh)ku hadleeyna waxaanu soo dhoweeyneeynaa TV-Ga
Dowlad Goboleedka PL si rasmi ah Dowlada Talyaanigu uGu wareejisay
Lahaanshihiisa iyo maamulkiisaba Rajiimka Cusub P/Land Madaxweyne-
Xurmadle-Proff-C/Weli Maxamed Cali Gaas,noqday TV-gu Hantida P/Land.

puntlandtv

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed oo had iyo jeer u taagan la socodka
guudahaan xaaladaha wajiyada kala duwan leh Dalkeena Hooyo(Somalia)
taageero,soo dhoweeya,dhirigelin iyo talo siiya howlaha wax qabadka,
horumarka iyo faa’iidada bulsho-weynta uGu fadhiya,waxaanu si diiran
u soo dhoweeyneeynaa TV-ga PL oo guul weyn u ah guud ahaanba Ummadda
Somaliyeed gaar ahaan Reer PL,anagoo rajeeyneeynaa inuu noqdo mid soo
kordhiya waxyaabo horumarkooda,aqoon kobciin,wacyi gelin iyo gudbinta
Macluumaadka runta ku saleeysan iyo barnaamijyo tayadooda leh.

Waxaanu Hogaanka PL,Wasaarada Warfaafinta Iyo Maamulka PLTV in dhanka
danta guud,maslaxada ummadda iyo hanaan warbaahineed hufnaanteedda,
Run sheegid,kor u qaadidda wacyiga iyo aqoonta warbaahinta,saxaafada
iyo aqoonta macluumaadka casriga ah,TV leh maamul wanaag,wax soosaar
wanaagsan,diyaariin iyo hab tifatireed habeeysan,barnaamijyo qiimo
iyo tayo wanaagba leh hadii eey noqon lahaayeen dhanka:-

-Culuumta Diinta Islaamka(mudnaan Gaar ah leh).
-Barnaamijyadda Wacyi-gelin iyo Aqoon Koriinta.
-Barnaamijyadda Horumarinta iyo Adeegyadda.
-Barnaamijyadda Bulshadda:-Dhalinyaradda , Haweenka, Qoyska iyo
Jaaliyadda Qurba Jooga.
-Barnaamijyada Dhaqaalaha iyo Ganacsi horumarinta.
-Barnaamijyadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda.
-Barnaamijyadda Doodaha kala duwan oo habsamidooda iyo hufnaantooda
leh(Doodo wax soo kordhinaaya wax dhisid ku saleeysan not dumiin).
-Barnaamijyadda Madadaaladda Iyo Maaweeladda Tayo leh(Anshax leh).
-Barnaamijyadda Ciyaaraha(Sport0iyo kuwa Dhanka iyo Hidaha.
-Barnaamijyadda Tartanka Aqooneed iyo Kuwa Suugaaneed-ba.
-Barnaamijyadda Taariikhdda,Bilicdda,Xoolaha,Badaha iyo Kheyraadka.
-Wararka,Falooyinka iyo Falan-qeeynta dhacdooyinka Xaqiiqo ah.
-Xoriyadda Codka,Aragtidda Wanaagsan iyo Aqbilaada dhaliilaha.
-Gaarsiinta Baahinta TV-ga Qaaradaha-Yurub,W/Mareeykan,Austaralia
iyo Asiyadda Fog(lagu dadaalo sida uGu dhakhsaha badan).

Urur ahaan waxaanu ku talineeynaa in PLTV yeesho ama noqdo mid hab
Madax banaani leh,xoriyadiisa leh,ka xor ah guud ahaan faro-gelinta
iyo hab maamulidda Jiheeysan(Maamulka codkiisa ku leh)taaso dhaawac
iyo dib u dhacba keeneeysa,kana dhigeeysa TV koox u adeega,danahooda
iyo qorshahooda kale u taagan,taasuna waa ku ceeb iyo fadeexad habka
Warbaahinta casriga ah aduunka xiligan ka socota oo ah mid awoodeeda
iyo waayaheeda horumarineeda leh(loona aqoonsan yahay awooda Afraad)
codka,caqliga,indhaha iyo damiirka nool ee Bulshadd,Maamulka PLTV
ha ka faa’iideeysan waayo aragnimo ha ka qaateen dhaliilaha ka jirra
TV-yadan magac Qaran Wata:-
-TV-Qaranka Somaaliyeed SNTV(Muqdisho).
-TV-Qaran S/Land(Hargeeysa)oo labaduba u afduuban cida xukunka gacnta
ku heeysa(Madaxdda)si weyn uGu fogaadeey bulshadda iyo qeybaha kale
Siyaasadeed(TV-yo Jiheeysan)runtii tayo xumo iyo buun-buunin arrimo
ama mashaariic iyo luqad siyaasadeedka Rajiimadda gacnta ku haya,
Sidoo kale waxaan ku talineeynaa in laga faa’iideeyso Shakhiyaadka
Aqoonta gaar ahaaneed iyo waayo aragnimada Warbaahinta u leh Tusaale
ahaan:-
-Ustaad-Axmed Cali Askar.
-Weriye-Nuur Shire Cismaan.
-Weriye-Cismaan C/Nuur Xaashi.
-Weriye-Ustaad-Saciid Faarax.
-Weriye-Maxamuud Soocane.,iyo cadii kale aqoon Warbaahineed leh,Guul
Inshaa Allah.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab).
-Afhayeenka Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed
Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.
-Jully-10-2014.