Talo soojedin Xalka KoonfurGalbeed iyo Bakool Sare

Filed under: Important News,Wararka |

Aduunka maanta waxaa ugu caqli liita ruuxii qori waxku raadiya, waxaana aan uga digaynaa shacabka walaalahaa ee reer Bakool ee waligood dariska ahaa, darisna ahaan doona in aynan nabadooda marna isaga khamaarin, oo ay cidwalba ka diidaan in ay dadkooda dagaal u horseedaan, waxaanan ka xunahay websaydyada qoraya Ciidamaa xaga ka duulaya iyo kuwaa xageer u duulaya, waa websityo doonaya shacabkaas masaakiintaa in ay qax u horseedaan halkii ay horumar u horseedi lahaayeen

Haddii aad eegtid maapka Gobalka Bakool runtii waa ay adagtahay in la tirakoobo Soomaalida kunool Gobalkaas, hadana haddii ladoonayo in meel dhexe la isugu yimaado inta shacabka laga tirakoobayo oo hadhow xildhibaanka si saxa loo soo dooranayo

hadaad eegto mapka uu ka koobanyahay Koonfur Galbeed ee sadexda Gobol Bay; Bakool iyo Shabaeelada Hoose, Maap ahaan waa is le egyihiiny, Dhanka Degmooyinka ayaan qudhiisa waxaan u qaybin lahaa 4 Degmo Gobalka Baklool anoo dhanka ballaarka ka eegaya, oo kala ah Xudur, CeelBarde (Ceel Barde waa Yeed Aato iyo Ceelbarde), Tayeeglow, Waajid(waajid waa waajid iyo Rabdhuura), lamana hubo Gobalka iyo Degmada ugu dadka badan waayo dadkii cidi ma aynan tira koobin.
Hadii gobolkasta lasiiyo 50 Xildhibaan
Hadii 50 Xildhibaan loo qaybsho 4 Degmo, Degmadiiba waxaa ku soo aadaysa 12 Xildhibaan.

Sidaas la ajligeed ayuu shariif Xasan ku qaldanaa in uu degmada Ceelbarde siiyo 4 Xildhibaan, oo waxay ahayd ugu yaraan in uu siiyo 10 Xildhibaan, waxay kaloo ahayd in uu eeda dusha saarto maadaama ay isaga waxwalba ka burburayaan oo uu yahay Masuulkii ugu sareeyay.

Dhanka kale Beesha Koonfur Galbeed waxaa jira beela farabadan oo beeshaas hadda ka tirsan oo asal ahaan kasoo jeeda Beesha Daarood.
Sidoo kalena maamulka Koonfur Galbeed muhiimad bay u tahay in aynan dhumin xiriirka jubbaland, DDSI iyo Puntland oo la beel ah beesha CeelBarde.
Hadiise ay hadda maamulka Koonfur Galbeed 6 Xildhibaan ee ka dhiman 150-ka xildhibaan ay ku heshiiyaan in lowgu daro Beesha Bakool Kore wixii kalena la isaga tanaasulo qudheedu ma xuma inkastooy labada dhanba ku adagtahay hadana ceeb ma ahan in xal loo tanaasulo, waayo 4.5 waxaa u tanaasulay Beelaha qaarkood oo aad ugu dulmanaa halka ay beelaha kale sad dheeriya ku qaadanayeen, hadana maanta kuwi badsaday waxaan dhib ahayn kama qaadin waayo waxay barteen wax dheeriya.

Dhanka Ganacsiga iyo istaraatijiyadda ayay muhiim u tahay Koonfur Galbeed in aynan carqalad isaga furin shacabka Ceelbarede oo hadhow uu ka xirmi karo isku socodkii DDSI iyo Koonfur Galbeed.

Dalka Ethiopia iyo Eritrea ayay waxbadan uga dhumeen dagaaladii dhexmaray, marka sidiisaba dagaal khasaara mooyee faa iido malaha.

Sidaas la ajligeed ayaa loo baahanytahay beelaha Koonfur Galbeed in ay miiska wadahadalka la fariistaan Beesha Bakool Sare, meel dhexena la isugu yimaado
Halkaan hoose si fiican uga bogo Maapka
koonfur galbeed
Koonfur2

Halkaan ka akhri Sida uu Xildhibaanada beelaha koonfur galbeed ugu qaybshay
Puntlandobserver Desk

One Response to Talo soojedin Xalka KoonfurGalbeed iyo Bakool Sare