Tigay:Badda ugu Boobka Badan Adduunka waxay noqotay Badda Soomaaliya , Gaar ahaan Puntland

Filed under: Wararka |

Tigay
Badda ugu Boobka Badan Adduunka waxay noqotay Badda Soomaaliya gaar ahaan Badda puntlad oo ah Halka Ay ku kulmaan labada Badood ee Soomaaliya waana halka ugu khayraadka Badan Badda Soomaaliya
Badda Puntland waxay hadda maraysaa Taariikhda markay ugu xumayd waxaa ka socda Boobkii khayraadkeeda ee ugu badnaa waxaa Boobaya iiraaniyiin yamaniyiin yurub Aasiyaan dhammantoodna Gabbaad ayay haysyaan waxaa ugu yaab badan dakaddii Bosaso iyo xeebteedii oo ay buuxdhaafiyeen maraakiibta kalluumaysiga Sharci Darrada ama Jiriifka looyaqaan eedayn ama Qormo yar dan kuma gaari karno dawladdii Dalka loo dhaariyay Golaha Baarlamaanka golaha dhaqanka iyo indheer garadka damqashada leh waxaa haboon in wax la isla waydiiyo xaajadaan ugubka ah
Dalka waxaa ka jirta Abaar Dad iyo duunyaba ku hoobteen Hantidoodii iyo dhaxalkii ubadkoodana in la Boobo ma Garbaa Allaan idinku Dhaarshaye??

Source: Barta facebook ee Maxamed Yusuf Tigay Gudoomihiii hore ee Gobalka Mudug