Trump Oo Miisaaniyadda Ciidamada 54 billion$ ku Kordhiyay (Fallanqayn)

Filed under: Wararka |

Inkastoo ay dad badan horey u sheegeen in lagu jirro xiligii calaamadaha saacadda qiyaamaha ayaa hadana waxaa ay dad badan wal-wal badan ka muujinayaan lacagta faraha badan ee uu Trump halmar ku kordhiyay miisaaniyadda ciidamada maraykanka ee gaaraysa 54 billion$, taasi oo waxyar un kayar miisaaniyadda Ruushka ee 66-da billion ah.

Dalka Ruushka waa quwadda labaad ee dunida ee uu hadda Maraykanku naftiisa ugu baqo, hadana haddii hal mar miisaaniyad ciidan loo diyaarsho mid u dhiganta mida Ruushka, halkaas waxaa ka cad in dagaal la isku diyaarinayo.

Trump ayaa sheegay in dagaalkiisu ku wajahanyahay bariga dhexe.

Soomaalidaa waxay tiraahdaa dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho.