Trump Oo Miisaaniyadda Militariga Kordhiyay 10% Oo Gaarsiiyay 600 billion$ Iyo Sacuudiga Miisaniyad Military Sanadkii 87 billion$ (Daawo)

Filed under: Important News,Wararka |

Trumpa ayaa miisaaiyadii dawladda maraykanka isku badalay oo miisaaniyaddii lacagaha lagu caawiyo dalalka soo koraya meesha ka saaray, lacagtaasna u wareejiyay dhanka militariga oo kordhiyay boqolkiiba toban.

Laakiin warbixinta hoose ayaa ifinaysa sacuudigu yahay wadanka sadexaad ee dunida ugu miisaaniyad ciidan badan.

Sacuudiga ayaan samaysan wax huba halka dalka ruushka oo hubka ugu baddan dunida samaysta ay miisaaniyadiisu tahay oo kaliya 66 billion marka loo eego Sacuudiga oo miisaaniyadiisu tahay 87 billion

Miisaaniyadda Puntland ayaa sanadkii lagu qiyaasaa 35 million$ oo inta badan laga helijiray xoolaha oo hadda abaar iyo iib la’aan isugu darsameen halka miisaaniyadda military ee sacuudiga ay tahay 87 kun oo million bal farqiga u dhexeeya darisna waa nahay.

Kaaga sii daran ee hubkaas lagu soo iibsho misaaniyadda sacuudiga intiisa badan wuxuu laayaa dadka ku nool Syria, Yemen, Somalia

usa saudi arabia military budget