QURBOJOOGTA waa kuwee: Ma Kuwii Soo QAXAY, Ma Kuwii Kasoo Daba QAXAY, Mise Kuwii QARANKA Lacagtiisa Lagu Soo QAADAY?

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Important News,Wararka |

QURBOJOOGTA waa kuwee: Ma Kuwii Soo QAXAY, Ma Kuwii Kasoo Daba QAXAY, Mise Kuwii QARANKA Lacagtiisa Lagu Soo QAADAY?

DAGAALKII sokeeye ee ka qarxay daafaha magaalo MADAXDA Soomaaliya, ee MUQDISHO (Xamar) – sida rasmigaana u bilowday taariikhdu markay ahayd 12/30/1990kii, ayey u buuxsami doontaa RUBUC QARNI markii la gaaro BISHA 12aad 30keeda, sanadka 2015ka (12/30/2015). Xasuusta taariikhdaas ayaa igu dhalisey in aan qoraalkaan ku xuso QURBOJOOGTA iyo sida ay u qaybsanto. Sidoo kalena, arintaan ayaa saamayn ku leh naftayda, madaama aan ka mid ahay QURBOJOOGTA, anigoo ogsoon in dagaalakii sokeeye, haba loo kala darnaadee, uu isku si u wax yeeleeyey dhamaan ummadda Soomaaliyeed – ha ahaadeen reer WAQOOYI, KOOFUR, BARI iyo GALBEEDBA.

Waxaad moodaan in wax la isku qasay madaama qofkasta oo QURBAHA ku nool ama degan loo yaqaan QURBOJOOG – iyada oo la hilmaamay sida qofku ku yimid ama waxa ku qasbay nolosha QURBAHA. Marka, AQRISTOW ma ogtahay in QURBOJOOGTU u qaybsanto sadex qaybood.

QURBOJOOGTA hanti QARAN kusoo jidmaray: waa racii ugu horeeyey ee wadamada aduunka u baqoolay. Kuwaasoo ka koobnaa – dhalin iyo waayeel mehered doon ama wax barasho doon ah. Iyaga laftooda ayaa u qabsama kuwo iskood ama hantidooda ku yimid iyo kuwo hantidii QARANKA lagu soo qaaday. Dhamaan kuwan inta badan waa kuwo waxbartay ama kuwo ka shaqaysta meherada dadka muslimiinta degan wadamada EUROPE iyo AMERICA lagu yaqaan – taasoo ah shaqada xorta ah, ee loo yaqaan: ‘taxi-lay’. KOOXDA kowaad oo u badan dadka lagu soo dhoofiyey hantida QARANKA, si kastaba ha ku helaane, ayaa u badan dalalka FINLAND, HOLAND, DENMARK, BRITAIN iyo CANADA. Waxay u badan yihiin dad wax bartey, isku filaansho gaarey, laakiin aan ogayn in hantida qaranka oo ay QURBAHA ku yimaadeen ay qaan ku tahay.

QURBOJOOGTA laga soo barakiciyey XAMAR 1990gii: waa racii ugu badnaa ee QAXOOTIGA, ahna kuwa aan ugu yeero QURBOJOOGTA la QAXIYEY, kuwaan oo u badan dadkii ka soo QAXAY magaalo MADAXDA dalkeena, ee MUQDISHO (Xamar), inta badan racaan oo ku noqon waayeen degaanadii ama goboladii ay ka yimaadeen, ayaa u qaxay dhanka Kismaayo ama dhinaca xuduudka Ethiopia. Inta badan kooxdan oo u badan dadka kasoo jeeda GOBOLADA ama deegaanada hada la isku yiraahdo PUNTLAND iyo SOMALILAND. Qaxootigaan oo u badan kuwo UNta ama waxa loo yaqaan ‘family sponsorship-ka’ ku soo galay wadamada qaarada EUROPE, NORTH AMERICA ama AUSTRALIA. Yar iyo waynba, dadkan waxay nasiib u yeesheen in ay ka shaqeeyaan shaqooyin kala duwan, waxayna nasiib u yeesheen in naftooda ama caruurtooda wax bartaan. Waa kuwa u badan Minnesota, Ohio, California States iyo EUROPE. Qolodaan oo gaartey in wadamada qaarkood ay u istaagaan doorashada dowladaha hoose, barlamaanada i.w.m.

QURBOJOOGTA ka soo DABA QAXAY racii hore: qaxootigaan waa kuwii soo maray LIBIYA, YEMEN, MALTA uga soo gudbay EUROPE iyo AMERICA – kuwan oo ah kuwa aan ugu yeero KA SOO DABAQAXAYAASHA. Inkasta oo ay tiradooda badanayso waqtigaan madaama laga soo wado xerooyinka KENYA, ETHIOPIA, UGANDA, LIBIYA iyo MALTA. Hadana KOOXDAN inta badan waxaa soo qaxiyey WAX LA’AAN iyo colaado yar yar – sida dagaaladii ka dhex dhacay waxa loo yaqaan ‘warlords’ Xamar iyo ALSHABAABKA oo kale.

Marka, hada iyo dan, aqristow, ma ogtahay in sida ula socto in QURBOJOOGTA magaca ka siman yihiin, laakiin dagaalkii sokeeye uu midaba si u saameeyey. Fadlan adiga kuwaad ka tirsan tahay ama caa’iladaada ama qof kula dhashay ka tirsan yahay ila soo socodsii.

Photo: Isma. www.puntlandobserver - your gate of Somali news around the world

Photo: Isma.
www.puntlandobserver – your gate of Somali news around the world

Waxaa isku soo duba riday: Mohamed Barre – junlay (BULUF) – qoraa madax banaan, isla markaana wax ka qorana arimaha Soomaalida, degan Minneapolis, MN – junlay99@aol.com