Vilnius: Lataliyaha guud ee dallada ururrada Puntland ee Finland oo ka qeybgalay kulan diirrada lagu saarayay dhibaaatada tahriibta

Filed under: Wararka |

Lataliyaha Guud ee Dalada Ururada Jaaliyadaha Puntland ee Finland, ahna Wakiilka Dawlada Puntland ee Finland C/fatax Jaamac Jannagale oo ka qeyb galay Kulan Caalami ah oo ka dhacay magaalada Vilnius ee wadanka Lithuania oo lagu falanqeenayay qidada iyo qaabka loogahortagi karo dhibaatooyinka dhimashada iyo qasaarooyinka farah badan leh ee ku dhaca dhalinyarda Africa ee usoo tahriiba qaarada Yurub.

Kulankaas baa waxaa ka soo qeybgalay oo lagu casuumaydalladaha qurbajoogta Yurub kuwooda ugu firfircoon, sida Jaaliyada Soomaalida ee Finland, Jaaliyada Jibuuti ee Sweden, Jaaliyada Cope Verde ee Portugal, Jaaliyada Afrikada Galbeed ee Spain, Jaaliyada Soomaalida ee Ireland, iyo Lithuania oo ah wadanka Yurub u qaabilsan arimaha dhalinyarada iyo qaxootiga ee sanadka 2015.

Lataliyaha guud ee dallada ururrada Puntland C/fatax Jamac Jannagale ayaa sheegay in dhawaan seminaaro iyo wacyigelin ku aadan dhibaatada tahriibta loogu qaban doono howl wadaneeda jaaliyadaha qurbajoogta shirka isugu timid ay matalayeen. Seminaarkaas oo ka dhici doono isla caasimada Vilnius ee dalka Lithuania.