Vilnius: Xubno Ka Socda Dallada Puntland ee Finland oo uu usoo gabagabooyay shir caalami ah (Sawiro)

Filed under: Wararka |

Xubno ka socda dallada ururada Puntland ee Finland ayaa soo gabagabeeyay shir ay kaga qeybgaleen caasimada dalka ee Lithuania.

Shirkaas oo diirada lagu saarayay ka hortaga dhibaatooyinka tahriibta, isdhexgalka iyo xiriirka ururada soo galootiga ee qaarada Yurub.

Gabagabadii ayaa waxaa shirka soo xiray safiirka dalka Ireland ee Lithuania. Waxaana shirka kasoo baxay war murtiyeed lagu xusaayo fursadaha iyo dhibaatooyinka dadka soo galootiga ay kula kulmaan qaarada Yurub

Dallada ururada Puntland ee Finland ayaa intuu shirka socday waxey madasha si gaar isula kulmeen masuuliyiin kasocda jaaliyada Puntland ee Ireland, iyagoo ka wada hadlay wadashaqeynta iyo xiriirka labada jaaliyadood.

Shirka waxaa kasoo qeybgalay qurbajoogta Yurub kuwooda ugu firfircoon, sida Jaaliyada Soomaalida ee Finland, Jaaliyada Jibuuti ee Sweden, Jaaliyada Cope Verde ee Portugal, Jaaliyada Afrikada Galbeed ee Spain, Jaaliyada Soomaalida ee Ireland, iyo Lithuania oo ah wadanka Yurub u qaabilsan arimaha dhallinyarada iyo qaxootiga ee sanadka 2015 waxaana lagu balamay in shirkii ilaa 3 jeer oo kale la kulma isla sanadka waxaana kulanka ugu soo horeeya ka dhici doonaa wadanka Giriiga

“Shirka wuxuu ahaa mid guul ugu soo dhamaaday dallada, waxaa nala siiyay tababar fican, waxaan sidoo kale xiriir dhaw lasoo sameynay ururo kala duwan ee ka howlgala dalalka Yurub” sidaas waxaa yiri xoghayaha dallada ururrada Puntland ee Finland (DUPF) Hanad Boqor C/laahi (King kong).