Waa kuma Madaxwayne Xassan Shiikh, Maxaadse kataqaanaa Muhiimadda shacabka oo ladarso oo lakala xulo, si loo helo dadka dunta wanaagsan iyo in qofkasta illaahay hibo gooniya siiyay iyo sidda looga faa-iidauysto.

Filed under: Wararka |

Togane-xassan

Maqaalkan waxaan si kooban ugu falanqaynaynaa muhiimadda ay leedahay daraasado lagu sameeyo bulshadda si loo kala sooco oo loo ogaado qofwalba meesha uu ku wanaagsanyahay,si looga faa-iidaysto shakhsi kasta iyadoo looga faa-iidaysanayo meelaha uu ku fiicanyahay, isla markaasna looga digtoonaado meelaha uu ka keeno karo khataro uu dadyawga kale ku waxyeelaynn karo.

Maaradoona wuxuu ahaa laacib illaahay hibbo usiiyay Ciyaaridda Kubadda Cagta, shakhsiga noocaasana wuxuu bulshadda u dhashaa qarnigiiba mar, waxaana kuu dalliil ah in Arjantiin oo qaadda koobka kubaadda cadgta aduunka in ay udanbaysay maalintii uu Maaradoona howlgabka noqday.

Sidee loo kala soocaa ama lookala xulaa dadka.
Dabcan Waxaa kajiray dalalka aduunka iyo Dalka Arjantiinaba tartamo looqabanayo dhammaan shacabka Arjantiina, tartanaddaas oo farabadan sida tartanka Kubada Cagta ee illaa heer Dugsi dhexe, illaa heer Ciyaartooy Qaran, sidaa si le’eg Tartanka Ciyaaraha Fudud, tartanka Heesaha, tartanka Dabaasha, tartammaadaan ayaa dhamaan wadanka oo dhan loo sameeyaa si dalkoo dhan looga soo xusho kuwa ugu firfircoon, oo markaas kuwaaasi ay uga qaybgalaan Tartamadda aduunka ee dalkaas.

Maaradoonana tartamadaas illaa heer Dugsi dhexe ayuu kusoo baasay, haddii aynan tartamadaas jiri lahayn Dalka Arjantiin ma aynan ogaadeen in Maroodana illaahay hibadaas ku manaystay.

Sidaa si le-eg ayaa wadamadda horumaray waxay baaraan.
Dadka illaahay hibadda u siiyay Aaminaadda.

Aaminaadu ama Balan oofinta ,waa hibbo illaahay dad gaara siiyay, waana waxa ugu muhiimsan marka laga hadlayo arrin qaran, sidaa awgeed ay Dalalka hore u-maray ay qofkasta Buug ugu sameeyaan si ay calaa shakhsi ugu ogaadaan, oo hadhow ay si sahlan uga xushaan marba hawsha taal kuwa ku haboon.

Badanaaa marka laga hadlo masuuliyad Qaran, ruuxa aad masuuliyadaas ku aaminaysid waa in uu ahaadaa ruux aad iyo aad, aad u taqaano, Kartidiisa, aftahanimadiisa, Waxgaradnimadiisa, Dabciwanagiisa, Dulqaadkiisa, Samarkiisa, heerka ay gaarsiisantahay Aamin nimadiisu, heerka ay gaarsiisantahay shakhsiyadiisa iyo Qadiyadiisu( shakhsiyadu waa hibbo illaahiyina, shakhsiyadda laguma barto iskuul, shakhsiyaddu ama dun-wanaagu waa u dhalasho inteeda badan, sida qof dheer ama gaaban, ayaa dun-wanaaagu uu yahay hibbo illaahay iyo udhalasho ama dhaxal, ma ahan wax labaran karo, ruuxa dunta-xun ayaamo waa uu iska yeelyeelikaraa ruux dunwanaagsan laakiin hadhow hadana bartiisii buu kunoqonayaa mudo gaaban kadib)

Hadaba Akhristow ma is leedahay mawduucaan waa mawduuca ay hadda Soomaalidu aad ugu baahantahay, waxaanan aad uga xumahay in Madaxwaynaha Soomaaliya uu iska noqonayo ruux aanba la garanayn oo aan horay iyagoon xildhinaadu waxba kala socon taariikhdiisa iyo cidda uu yahay marka laga reebo khudbad qurux badan oo xaashi lowgu soo qoray, iyo suudh qurux baddan oo loosoo gashay.

Arinkan ayaad ka dhadhansan kartaa Doorashadii ka dhacday Soomaaliya, ayaa waxaa kusoo baxay shakhsi aan horay taariikhdiisa loo aqoon, laakiin iibsaday kuwii xildhibaandda sheeganayay oo xoogaa shilimaadda jeebka u gashay, shililmaadkaas oo lasheegay inay Gacmo shisheeye Ajnabi lug wayn kulahaayeen si Soomaali loo bahdilo oo wado saxsan looga weeciyo.

Hassan Shiikh Maxamuud ayaa Dambigii ugu waynaa ka galay Umadda Soomaaliyeed, markii uu markii horeba kusoo baasay Laaluush, ayuu hadana markii uu kursigga qabtay, billaabay Qabyaalad aad u foolxun oo kadaran tii 1990.

Xassan Shiikh oo lagu xamman jiray in uu ahaa lataliyaashii Caydiid, isla markaana kamid ahaa Hawiye Action Grouop, sidoo kalena xubnin ka ahaa ururka Damul jadiid, ayaa maalmihii hore erayo wanaagsan kasheegayay saxaafadda oo shacabka Soomaaliyeed ee dib u Heshiisiinta iyo in Soomaali dib u heshiiso u bukay ayaa marka mikrafoonka uu Xassan hadlayo hadaladiisa run moodayay, laakiin waxaa run noqday wixii lagu xamanayay oo dhan ee Eexdii Qabyaaaladii iyo Turub khiyaaneedkii.

Xassab wuxuu billaabay in uu si dadban iyo si qayaxanba u weeraro beesha Daarood, asagoo isticmaalaya siyaasadihii Caydiid ee Qaybi oo xukun ayuu wuxuu in muddo ahba baarayay Horgale aad u wanaagsan oo uu shaqadda uu u diro si wanaagsan u gudankara oo kasoo jeeda Beesha Daarood, wuxuuna soo helay Mudane Saacid oo aad ugu haboon shakhsiga uu Xassan Doonayay inkastoo lasheegay in aanu Saacid Shakhsi xun ahayn hadana waxaa cad damca kooxda Xassan iyo qaabka Khiyaanadaa ee ay wax u doonayaan (Waxaana aan wada xasuusanaa mudadda dheer ee ay Xassan ku qaadatay in uu Raysal wasaare soo xusho).

Saacid ayaa lasheegay in uu kusoo dhexkoray beesha Cayr, sidoo kalena uu ka ahaa xubbin firfircoon xisbigii walaalaha Galguduud, sidookalena Xaaska uu qabo waa Gudoomiye kuixigeenka hawiye Acrion Group, oo sida lasheegay xaaska Xassan iyo Xaaska Saacid ayaa aad saaxiibo u ahaa oo kawada shaqaysan jiray Ngo-yada.

Halkii Xassan laga doonayay in uu xal dhex dhigo bulsho kala irdhawday muddo 23 sano ah, ayuu Xassan markiiba isku qaaday Kismaayo iyo Marka, Somaaliland in ay Go’do ayuu si hoose uga shaqaynayay (Tan intaas dhaafinmyao aad baad uga wada dharagsantihiin)

Hadda waxaa meel xun maraya kalsoonadii shacabka Soomaaliyeed oo aad u kala fogaaday arrinkaas oo sabab u noqday shakhsiga Madaxwaynaha loo doortay oo aan markii hore la iska eegin cida uu yahay, ayaa waxaa cad in shakhsigaan uu waagiisii horeba ahaa shakhsi qabiilayste ah oo arragti gaaban ee aan arragti fog lahayn Qadiyad Soomaaliyeed in shacabku is cafiyaan muhiimadda kujirta aan garankarin, sidaa awgeedna uu halkiisii kasii walaaqday wixii uu waagiisii hore ahaan jiray, asagoo hadda Soomaaliya geeyay meeshii ugu xumayd ee abid ay soomarto, ayadoo aad arkaysid hadda sida la isugu durbaan tumanayo oo ay qabiiladii usii kala aaminaad baxayaan.

marka in dadka labaaro oo xilkaas sare loo dhiibo shakhsi leh sifooyin iyo aragtiyo meelo fog fog wax ka arki kara waa mihiim in marka hore bulshadda lagasoo dhexbaaro, waxaanan aad uga xumahay bulshadda Soomaaliyeed oo marwalba hal shakhsi uu god kusii ridayo, waxaan kaloo iswaydiiyaa talow waa ayo cidda noosoo xusha shakhsiyaadkaan dabcan waa qaar fahansan muhiimadda ay leedahay barashadda shakhsikasta isla markaasna noosoo xula shakhsi ay horay u yiqiineen, arrinkaas waa in ay Soomaali ku baraarugtaa oo diidaan shakhsi loosoo xulo, waana in ay si aynan taasi u suuroobin iska illaashaan Xildhibaanadda la laaluushayo.

Wixii uu sheegay Prffesoor Togane oo ay Beel hoose isla yihiin Xassan shiikh. halkaan ka dhagayso.
Togane arinkaan wuxuu horay ka ogaaday markii ladoortay waxyar kadib cajiib, dhamaan wixii uu sheegayay runbay noqdeen.