Waa u qalmaa Calan Sidihii Afka Soomaaliga in loo doorto Gudoomiyaha Gudiga Dastuurka Qaranka.

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

In dhawaalaba waxaa marnaa xilka Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Madaxa banaan, kadib kolkii ay jagadaasi iska casishey Guddoomiyihii Guddigaasi Marwo Caasha Geele Diiriye, aqoonyahano isugu jiray rag iyo dumar aad u fara badan ayaa hawo ama rabitaan kaga jirey in ay qabtaan jagadaasi, shakhsiyaad magac iyo miisaan culus ku dhex leh bulshadda soomaaliyeed oo ka koobnaa qurba joog iyo qorrax joog (Dal-joog) ayaa loo saadaalinaayey in ay ku soo bixi karaan guddoominta Guddiga Dastuurka Madaxa banaaan, Dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu horey u dhistey Guddigaasi ayaa in muddo ah waxay ka fekereysey ciddii buuxin laheyd xilkii ay ka tagtey marwadii hogaaminaysay Guddigaasi.
prof AFRAX
Hammigii ay dad badani qabeen wuxuu soo gebageboobay 4-tii bishan ka dib markii Golaha Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u magacaabeen booskii ay iska casishay marwo Caasha Geelle in uu galo Prof. Maxamed Daahir Afrax, masuulkan cusub ee ku guuleystey in uu ku soo baxo kaalintii Caasha Geele waa ruugcadaa aqoon yahan ah oo ka soo jeeda deegaanada Puntland, sifa ahaan waxaa lagu tilmaamaa nin qunyar socod ah oo in badan oo noloshiisa ka mid ah ku soo qaatay dalka dibadiisa.

Magac ahaan prof. Afrax waxaa si baahsan loogu bartey qoraalada Buugaagta iyo qoridda riwaayadaha soomaaliyeed, dhowr buug oo si aad ah loo akhristey ayuu soo bandhigay, buugaagtaasi oo weli la jaceyl yahay isla markaasna aan laga xiisa dhicin ayaa waxa ka mid ah; Sheekadii caan baxday ee MAANA-FAAY, GALTI MACRUUF, GUUR KU SHEEG, DAL DAD WAAYEY IYO DUNNI DAMIIR BEESHAY iyo kuwo kale.

Taariikh ahaan Guddoomiyahan cusub ee loo magacaabay guddiga dastuurka madaxa banaan waa mutacalim siyaasi ah, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay Faylasuufka qorayaasha Soomaaliyeed, cilmi ahaan wuxuu ku hadlaa oo uu wax ku qoraa luqadaha Soomaaliga, Englishka iyo Carabiga, qof ahaana wuxuu leeyahay hibooyin isku dhaf ah sida Saxafinimo,

Macalinnimo, Hal abuurnimo, Dhaqan yaqaannimo, iyo xirfado kale oo ka mid ah cilmiga bulshadda, xilal kala duwan oo isugu jira heer wasiir iyo heer la taliye ayuu ka soo qabtey Dowladdii uu hogaaminayey Dr. Cali Khaliif Galeyr ee shirkii Carte, sidoo kale wuxuu soo noqday guddoomiyaha Somalipen oo uu isagu aas aasay, haatana waxaa uu ahaa guddoomiyaha Academiyad Gobolleedka Afka Soomaaliga ee loo yaqaano AGA.

Dad badan oo ka kooban Soomaali iyo Ajnabi ayaa si diiran u soo dhoweeyay magacaabista Prof. Afrax, sida laga soo xigtay qeybahaasina waxay cadeeyeen in masuulkaasi uu yahay muwaadin u qalma Jagada loo doortay, iyagoo tilmaamay in uu ka soo dhalaali karo jagadaasi loo igmaday, inkastoo xilkani uu mudan yahay, in la isugu hambaliyeeyo ayaa hadana aqoonyahano badan waxay rumaysan yihiin in xilkani aanu mudnayn in la isugu tahniyadeeyo, maxaa yeelay culeyska uu leeyahay darteed, iyadoo ay tilmaameen in prof. Afrax uu mudan yahay halkii looga hambalyeyn lahaa in loogu duceeyo sidii uu howshan culus ee dhabarka loo saaray uu uga soo bixi lahaa.

Ma sahlana howsha hor taala madaxweynaha cusub ee loo doortey guddiga daastuurka, wuxuuna dhaxlayaa hogaaminta guddi ay habacsanaan soo foodsaartey tan iyo intii ay is casishay guddoomiyihii horre ee Guddigaasi, adeeg ahaan guddoomiye Afrax iyo xubnaha guddigiisa waxaa laga sugayaa meel marinta howl ka mid ah shaqooyinka ugu culus ee hor yaala hiigsiga 2016-ka, taasi oo ah wax ka qabashada qabyo qoraalka Dastuurka federaalka ee Soomaaliya .
Caqabado fara badan oo keenay in ay is casisho marwadii hore ee guddigan hogaaminaysay ayaa guddoomiyaha cusub hor taala, kuwaasi oo u baahan wax ka qabasho degdeg ah, waa suura gal prof. Afrax iyo saaxiibadiisa in ay culays kala kulmaan maamul goboleedyada, iyo DFS hase yeeshe waxaa lagu han wayn yahay in hogaamiyaha loo dhiibay guddigani in uu ka talaabsan doono jidgooyo kasta oo loo dhigo.

Sannad ka hor ayaa guddigani la dhisay, xaqiiqdii dadaal fara badan ayuu sameeyey balse weli ma uusan gaarin halkii loo sahminayey sababo badan oo jira awgood, dad badan oo soomaaliyeedna waxay horey u sheegeen in aanu farxad gelin waxqabadka guddigaasi, arimahaas iyo kuwo kale oo badan ayaa iminka laga rajeyneya in uu ka talaabsado guddoomiyaha cusub, marka la qiimeeyo aqoonta iyo waayo aragnimadda Prof. Afrax,waxaa hubanti ah in uu ku guuleysan doono shaqooyinka hor yaalo.

WQ: C/laahi Xasan Axmed Shiijhaalow