Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr Baydhabo oo Shacabka Puntland ugu Baaqay In ay Midniada ka shaqeeyaan

Filed under: Important News,Wararka |

dr baydhabo
Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) oo waraysi kooban siiyay Shabakadda Puntlandobserver ayaa hadal kooban oo goobaabo ah usoo jeediyay shacabka iyo Dawladda Puntland.

Dr Baydhabo ayaa ku nuuxnuuxsaday in Shacabka Puntland looga baahanyahay in ay Gacmaha isqabsadaan oo dalka horumarintiisa ka wada shaqeeyaan.

Dawladi waa shacab ee ma ahan Madaxda oo qura, haddii aynan shacabku uusan qofwalba xil iska saarin sidii Puntland iyo Soomaaliyaba loo horumarin lahaa, dadkaasi wax horumara gaari mayaan.

Dhanka Kalena Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) oo deganaa Dalka Sweden muddo 35 Sano ah isla markaana ka mid ah Qurbajoogtii ugu soo horaysay dalka Sweden oo waliba 1984 ahaa dhakhtar hadana leh Xurun uu dhakhtar kuwa gaarka loo leeyahay ah oo uu isugu iskii u leeyahay ayaa sheegay in uu Maalkiisa iyo maankiisaba uu marwalba si iskaa wax uqabso ah ugu tuduwaca si Puntland loo horumariyo.

Dr Baydho ayaa sheegay in uu Madaxwayne Gaas uu wado howlo farabadan oo dalka lagu horumarinayo, loona baahanyahay in si guud wixii talo iyo tusaalayna Dawladda loola shaqeeyo.

Waxaan diyaar u ahay in aan cidwalba oo fikir saliima oo dalkii lagu Horumarinyo wada aan la shaqayno wixii tabarteena.

Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) ayaa xiliyadda dhaw billaabi doonna safaro kookooban oo uu kusii indha indhayn doonno qurba joogta reer Puntland ee dalalka Scandanevianka.

Wiigaan waxaan Sweden ku qabanay dhawr shir oo aan ku taageerayno mowqifka Madaxwaynaha oo uu ugu danbeeyay shirkii Stockholm oo aynan Bulshadu u kala harin.

Dhanka kalena Wakiilka Dowlada Puntland ee Dalalka Scandanevianka Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) ayaa wiig kasta soo marsiin doona shabakadda Puntlandobserver qoryashayaal badan oo dalkii lagu horumarinayo oo ay wadaan Qurba Joogta reer Puntland iyo waliba xaalka Qorshaha siyaasadeed ee Dawladda Puntland.

Waraysiga oo cod ah dib baannu idiinla qaybasan doonnaa

Mukhaar Cali P/O