Wakiilka u Fadhiya Puntland Scandenevianka Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) iyo Qurbajoogta oo tacsi u diraya qoyska Xaliimo Xuseen Caato

Filed under: Wararka |

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Dhamaan jaaliyada Puntland ee Finland iyo Wakiilka u Fadhiya Puntland Scandenevianka Dr .Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) ,Ayaa si wadajir ah waxay ugu Tacsiyeynayaan geeridii Allaha u Naxariistee Xaliima Xuseen Caato oo 20.12.2015 ku geeriyooday Magaalada Stockholm ee Swedan .

Jaaliyada Puntland ee Finland iyo Wakiilka u Fadhiya Puntland Scandenevianka Dr .Maxamed Cabdi Ismaaciil (Baydhabo) ayaa si gaar ula qeysaneynaa murugada qoyska Xaliimo Xuseen Caato iyo Dhamaan umada somaliyeed gaar ahaan reer Puntland .

Waxaana marxuumada Allaah uga baryeynaa inuu janadii fardoowsa ka waraabiyo eheladii iyo Shacabka reer Puntland meel walba ay joogaan samir iyo iimaan Allaah ka siiyo Aamii Aamiin.