Warar kala gadisan oo kusaabsan Muxuu Saacid ka hor orandoonaa Baarlamaanka hortiisa; Ma kashifaad waxa ay isku hayaan Madaxwaynaha sidda Lacag, wasiiro, Mase is casilaad:

Filed under: Wararka |

Inkastoo shalay uu dalbaday raysal wasaare saacid in uu Baarlamaanka hortiisa inta aan mooshinka loo qaadin uu warbixin usoo gudbiyo Golaha wakiiladda, ayaa durbaba waxaa suuq dhex yaacayaa warar sheegaya maxay tahay ujeedadda iyo warbinta Raysalwasaaraha.

1) Qaar baa leh, raysal wasaaruhu wuxuu Baarlamaanka Hortiisa ka dhex Qarxindoonaa dooda asalkaa ee aynan shacabku ogayn ee si hoose ay isugu qabteen isaga iyo Madaxwaynaha kuwaas oo salka ku haya Lacago soo galay dowladda sidii loo qaybsan lahaa, iyo Wasiiro Madaxwaynaha la jaal ahaa oo Saacid amar diido kusameeyay Saacidna go-aansaday in uu badalo, balse taas Madaxwaynuhu u arkay daandaansi

2) Qaarkale waxay leeyihiin Raysal wasaaruhu wuxuu dareemay in laga awood badiyay marka wax qabadkiisii buu kasheekayn doonaa dabadeedna wuxuu ku dhawaaqi doonaa in uu is casilay markuu xeeriyay arrimo fara badan.

Laakiin waxaan la hubin in jaanis loo siin doono in uu ka hor hadlo Baalamaaanka