Waraysi [Sheeko Gaaban] Cabdishakuur Cali Nuur

Filed under: Important News,Sheekooyinka,Wararka |

Cbdshkr Cali Nuur

Waraysi

Waraabe ayaa lagu yidhi:

Waraabow, waligaa caano ma aragtay?”

Wuxuu yidhi:

Haa.”

Waxaa lagu yidhi:

Sidee bay u egyihiin?”

Wuxuu yidhi:

Waa wax madmadow oo muska laysaga dhiib-dhiibo.” Hadhuubbada iyo dhiillaha ayuu sheegayaa.

Dabadeed, Soomaali ayaa lagu yidhi:

Soomaaliyow, waligaa dawladnimo ma aragtay?”

Wuxuu yidhi:

Haa.”

Waxaa lagu yidhi:

Maxay tahay?”

Wuxuu yidhi:

Sow maaha madaxweyne diyaarad raac-raaca oo intaa dhoof ku jira?”

Cabdishakuur Cali Nuur

London, 03.11.2016

2 Responses to Waraysi [Sheeko Gaaban] Cabdishakuur Cali Nuur

  1. Pingback: Waraysi [Sheeko Gaaban] Cabdishakuur Cali Nuur - Daily Somalia Report