Waraysigii Galaal Iyo Waraysigii Cabdullaahi Yusuf Oo Iskeenay (Daawo Dagaalkii 77 Markii Laga Soo Noqday Siyaad Barre Wuxuu yiri Soo uruursha Askartii Ugu Geesisinaa Ha Lalaayee)

Filed under: Important News,Wararka |

Hadaad waraysiga Cabdullaahi yusuf iyo Waraysiga Gen Galaal ee hoose aad dhagaysato waxaa kuu soo baxayo warar badan oo iskeenaya.

Wararka ay Galaal iyo Cabdullaahi Yusuf midkastaa gaarkiisa u sheegay waxaa ka mid ah.

1) In ay dabeecadahii Siyaad Barre sabab u ahaayeen Burburkii Soomaaliya.
2) In Markii dagaalkii 77 laga soo noqday uu Siyaad Barre amray in saraakiishii ugu firfircoonayd ee dagaalamysay la laayo, isla markaana 80 sarkiil iyo askartii ugu firfircoonaa ciidamadii dhanka waqiiyi ka dagaalamayay inta markii hore lowgu sheekeeyay in la dalacsiinayo dabadeedna la xasuuqay

Cabdullaahi Yusuf wuxuu sheegay in markii ay ciidankiisu dagaalka ka soo laabteen loo sheegay in uu soo gudbiyo saraakiishii ugu geesisinaa si loo laayo, isla markaasna uu arrinkaas aad ula yaabay, uuna markaas ku sii dhiiraday in uu ka qaybqaato inqilaabka-
3) Cabdulaahi Yusuf wuxuu sheegay markii inqilaabkii fashilmay in uu Kenya iska dhiibay kadiban Mingiste u yeeray oo markaas u ballanqaaday in uu taageerayo haday Jamhad samaynayaaan ay xukunka kaga tuuraan siyaad Barre.
4) Cabdullaahi Yusuf wuxuu sheegay in markii jamhaddii ssdf ay afar sano siyaad barre la dagaalamayeen in la aas aasay Jamhaddii snm, snm waxaa madax ka ahaa Siilaanyo, waxaan ku iri aan midawno, balse Siilaanyo wuxuu sheegay in ay ujeedadoodu tahay in ay Somaliland madaxbanaanideedii dib ula soo noqdaan, isla markaasna ay Mingiste heshiis kula galleen gooni isutaagga Somaliland.

Cabdullaahi Yusuf ayaa sheegay in markii uu ogaaday arrinkaas in Somalia la kala goynayo uu Mingiste ka shaqaynayo oo markaas ku dhacay niyad jab iyo hamigiisii aynan waxba ka jirin.

Cabdullaahi yusuf ayaa sheegay markay qabsadeen Ballanbale iyo Goldogob ay Amxaaradu yiraahdeen waa in calanka Ethiopia laga taagaa isla markaana uu uu Cabdullaahi Yusuf idaacadda jamhadda ka sheegay in ay midnimada iyo dhulka iyo calanka Somalia uu yahay muqdis

Arrinkaas ayuu mingisye ka carooday dabadeedna Cabdullaahi Yusuf waa la xiray, waxaa lala xiray Wasiirkii Warfaafinta Xassan Faash oo uu sheegay in xabsiga lagu wada xiray Faash iyo Cabdullaahi Yusuf balse faash xabsiga lagu dilay.

Gen Galaal ayaa sheegay in Soomaaliya ay la burburtay Ficilooyinkii 3 maxamed
Maxamed Siyaad Barre
maxamed Cali Samatar
Maxamed Faarax Caydiid