Warbixin Dekaddii Macmalka ahayd ee Boosaaso Oo Maanta In Ay Soo Gabagabawdo Loo badinayo

Filed under: Wararka |

shacabka reer Boosaaso ayaa maalmahaan tusaale wanaagsan u noqday shacabka Soomaaliyeed oo mar ay soo dhaweeyaan Qaxootigii Yeman.

Hadana maanta muddo afar casho gudaheed ah ayay ku dhiseen dekad dhan oo macmala.
Haddiise ayba dekad macmala shacabku muddo koobban ku dhisteen, waxaaba ay dadku la yaabanyihiin sababta dekadda Boosaaso ay ay mararka qaarkood mallaayiin dollar kasoo xaroonaysay loo ballaarin waayay, waa su aal da’wayn.

Waxay kaloo tani tusaale wanaagsan u tahay in haddii shacabku isku tashan lahaa Hogaan daacada oo aqoon iyo karti iyo qadiyad ka buuxdo helilahaayeen ay meel fog gaarilahaayeen.

Dhanka kale arrinka dhismaha dekadda macmilka ah waxaa ka qaybqaatay xukuumadda Puntland sida warbixinta ku cad, iyo maamulka gobalka bari.

Hadaba hoos ka eeg warbixinta.