Warbixin Dhismaha Dekadda Garacad Oo Billaabanaysa (Iisha allaah)

Filed under: Important News,Wararka |

Dekadda dabiicigaa ee Garacad ayaa hadda 6 mitir si dabiiciya hoos ugu qodan, haddii waxyar horay loo aasana waxaa si fudud lagu gaarayaa 9 mitir oo mool ah, oo u dhiganta dekadda Muqdisho.

Hadaba ganacsatada deegaanka oo kaashanaya Shirkaddii turkiga ee dhistay ayraboorka Garoowe ayaa muddo kooban ballanqaaday in ay billaabayaan dhismaha dekadda Garacad.

Qalabka maanta lasii wado waa qalabii ganacsatada deegaanka waxaana soo socda qalabkii shirkadda turkiga oo la filayo in uu yimaado.

Dhanka kale waxaa lagu ballansanaa in uu dekadda daah furo Raysalwasaare Khayre, hase yeeshee waxaa la sheegayaa in ay siyaasadaha socdaa arrinkaas carqaladeeyeen.

Waxaase dhagax dhigi doona dhismaa dekadda haddii rabi idmo Madaxwayne Gaas oo la sheegay in uu Madaxda muqdisho kala hadli doono wixii ay ugu talagalleen dekadda Garacad iyo waliba in ay ka qayb qaataan dhagax dhigga dekadda, mid la mida sida dekadda HOBYOOD.

Warar hoose ayaa sheegaya in DFS ay ugu deeqday mashruuca dhismaha wadada hobyood lacag gaaraysa 18 million oo dollar.
Sidoo kalena ay ballan qaadeen in ay maalgallin doonaan dekadda Hobyood.

Sidoo kale reer Puntland ayaa iyana eegi doona bal waxa ay dfs u qoondaysay dekadda Garacad.