Warbixin Kooxaha isqarxiya qaabka loo adeegsado iyo Reer Gaalkacyo oo Ninkasta Qoriga Qaatay

Filed under: Important News,Wararka |

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa illaa shalay ka socday kacdoon shacab, waxaana magaalada xalay illaa shalay ka socday in ninwalbaa uu qorigiisa godka kala soo baxay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka socda kacdoon shacab oo ay shacabku doonayaan in ay ku ugaarsadaan kuwa soo abaabula qaraxyada iyo beegsiga shacabka masaakiintaa ee aan waxba galabsan.

Waxaana isa soo taraya in nimanka qaraxyada gaysta laga hago meelo fog fog balse inta badan loo adeegsado dadka reer Koonfureedkaa kuwooda danyartaa, iyadoo marka hore lagu soo jiidanayo lacag, wacyigallin diin beena oo aan jirin, iyo waliba sixir iyo mudaawaad lasiinayo oo cuntada lowgu darayo qaarna sanka laga marinyo oo qofkii uu is badalyo, dhanka kalena lagu rakibayo walxaha uu isku qarxinayo oo Remote qof kale hayo lagu qarxinayo oo isagoo daroogaysan uu kusoo galayo iyadoo qofka qarxinaya uu banaanka ka joogo.

Dhanka kalena waxaa ay shacabka dhanka waqooyi ee Gaalkacyo farta ku gudayaan in qaraxyada inta badan laga soo abaabulo deegaanada beelo kamida beelaha wada dega magaalada, iyadoo qaraxyada lala eegto 90% hal beel oo ka mid ah beelaha magaalada wada dega.

Waxaa socdo wadatashi aad u baaxadwayn oo lagu doonayo in lagu go’aansado sidii dadqalatada Alshabaab ee maatada beegsata la isaga dhicin lahaa, iyo sidii iyagana la isaga dhicin lahaa kuwa gabaadka siiya iyo goobaha ay gabaadka ka dhigtaan.

Dhanka kale waxaa socda wadatashi iyo siyaasad wixii laga yeeli lahaa shacabka Gobalada Koonfureed ee ku nool magaalada Gaalkacyo.

Waxaana ay dadku soo jeedinyaan in la askareeyo shacab badan oo sir doona oo kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya, kuwaas la doonayo in laga dhigo sirdoon iska dhigi doona in ay la shaqayn doonaan Alshabaab, isla markaana si hoose ula shaqayn doona sirdoonka Puntland.

Inkastoo kooxaha dadqalatada ay badanaa adeegsadaan shaqsiyaad ay taariikhdoodaa yaqaaneen muddoo illaa 4 sano ah oo ay kasoo direen gobolo kale si aan siyaasadooda loo ogaan, balse inta badan shaqsiyaadkaas waxay la saaxiibaan shacabka kasoo jeeda Gobalada konfureed, qaarkoodna waxayba iska dhigaan dad shaqo doona oo waxay ka shaqeeyaan goobaha muhiimkaa si ay sirta u hellaan.

Beelaha magaalada Gaalkacyo ayaa ka niyad jabay Dawladda, waxayna doonayaan in ay samaystaan ciidamo beeleedyo nabadgalyadooda illaasha iyo ciidamo sirdoona oo kasoo jeeda koonfurta Gaalkacyo oo ay doonayaan in ay saldhigyo uga sameeyaan xaafadaha magaalada.

La soco wixii soo siyaada.