Warbixin Maap wadata Oo Cadaynaysa In Kenya Marwalba Ku Gardarantahay Muranka Badda

Filed under: Important News,Wararka |

Wiiggii hore ayaan ku daabacnay P/O Warbixin kooban oo aan ku eegnay haddii si daacada lowgu garsoori lahaa Soomaaliya iyo kenya yaa muranka ku guulaysan lahaa.

Haddii si daacada loo eegayo waxay xaqiiqdu ahaan lahayd war nin walbow dhulkaaga badda ku aadan adaa leh (So Simple).

Hadaba inta aanan warbixintaan kooban falanqayn bal maapka hoose eeg,
kenya-somalia-sea

Hadaba murankaan wuxuu ku salaysan yahay laba doodood.
Dooda Soomaaliya waa hab caalamiya oo la leeyahay labada dal ee dariskaa xariiqda soo dhexmarta labada dal xuduudooda xagasha iyo jihada ay kusocoto haku soo socoto dhanka badda sida sawirka kore ku cad oo waa maapka badda ee Soomaaliya sheeganayso, waxaanad mooddaa in uu xooggaa dhanka Kenya u janjeero.

Dhanka kalena Kenya ayaa iyaduna xagashii inta dhankeeda kasoo qabatay soo fooririsay oo aakhirkii Kismaayo Dusheeda timid.

Marka sida aad maapka kore ku arragtaan ayaan soo sawirnay haddii xaglahaan la iska dayn lahaa oo la dhihi lahaa dalwalba dhulkeedaa barriga biyaha badda ee tooska ugu aadan bay leedahay, anigoo midaas ka duulaya ayaan soo sawiray maapkii oo diilin dheer oo madow toos uga qaaday xuduudda badda ee Kenya iyo Somalia.

Waxaanad arkaysaa in uunan farqi saas u wayn u dhaxayn maapka ay Soomaalidu hadda ku doodayso iyo maapka aan sameeyay ee toos ugu aadan biyaha badda ee Soomaaliya.

Arrinku haddii uu sidaas yahay waxay u badan tahay in 90% ay Soomaalidu guulaysato, waayo nimankaas cadaankaa ee garta loo dhiibay waa niman xishooda oo aan gartaan oo kale isku ceebayn doonin iyagoo waliba xeerrin doona in hadda ka hor dhul soomaaliyeed nimman cadaana oo reer Europe ah ay Kenya hadiyad ku siiyeen.

Haddiise ay ugu bataan waa iyagoo yiraahda qolo walba badeeda biyaha ku aadan ha ku xisaabtanto, taasi oo xitaa Soomaalida guul u ah waayo farqi aad u wayn umaba dhexeeyo wax aan saas u badnayn baa dhanka Kenya aadaya.

Si kastaba ha ahaato arrinkaan in maxkamadda la keeno runtii guul bay Soomaalida u ahayd.

Waxaana loo badinayaa in Soomaalidu ku guulaysan doonto, iyadoo waliba la sheegayo Looyarada Soomaalida u doodaya in ay yihiin niman culus oo waliba arrimaha badda si fiican u yaqaan.

One Response to Warbixin Maap wadata Oo Cadaynaysa In Kenya Marwalba Ku Gardarantahay Muranka Badda

  1. Pingback: Warbixin Maap wadata Oo Cadaynaysa In Kenya Marwalba Ku Gardarantahay Muranka Badda - Daily Somalia Report