Warbixin Wiilkii Jaamacadda Ohio Dhiganayay ee Bahalka Dadka Qasha Isku Badelay (Warbixin)

Filed under: Important News,Wararka |

cannibalism-dadqalato

HALKAAN KA EEG WARBIXINTA BBC


Warbixin BBC ka diyaarisay wiilkan yar ee markii uu Jaamacaddii dhamaystay uu ku dhacay Cudurkii Dadqalatada iyo Sharka Iyo Argagixisada ee ku kalifay in uu dad masaakiina uu Tooray la dhaco.

Cudurkaan ayaa Soomaaliya dad badan oo uu ku dhacay waxay maalin walba bireeyaan dadka kuwa ugu masaakiinsan.

Waana in la baarro waxa sababa in uu qofku ku dhaco cudurkaan aad dadka qalanaysid waliba dadka kuwa ugu masaakiinsan
Waxaana ka daran ninkaas waaba haddii uu cudurka dadqalnimo ku dhacay wuxuu cudurkaas ku shaabadaynayaa dhammaan soomaalidaan masaakiintaa ee qaxootiga ku ah dalalka reer galbeedkaa maadaama ruuxa uu cudurkaan ku dhacay uu asal ahaan Soomaali kasoo jeedo.

Dhanka kale Soomaali badan ayaa shaki ka muujiya in ay arrimahan ka danbayn karaan dad si ula kaca falkaan usoo maleega oo xitaa daroogaaa lasiin karaa ruuxa marka uu falka noocaasa samaynayo, waayo alshabaab qudhuudu waxaa la aaminsanyahay in ay caruurta daroogo iyo sixir isugu daraan inta aynan is qarxin.

Marka waxaa waxaangsan in arrimaha oo dhan si fiican loo baara, oo la baara dadka qaraxyada fuliya waxa ku kalifay in ay qaraxyadan sameeyeen maxaa lagu akhriyay, maxaa la siiyay, yaa waxaan ku akhriyay, yaa ka dhaadhiciyay, yaa fangaeeyay, waa in si fiican meelwalba tooshka lowgu ifiyo.

Daawi Ali Xaaji waa nin Soomaaliya oo yaqaanay yarka cudurka bahalnimada iyo dadqalnimadu ku dhacday, wuxuuna leeyahay ninkaan waligiis danbi ma uunan galin, jaamacad buu soo dhigtay, sidee ku suurowday in cudurkaas dadqalnimo uu ku dhaco, waayo nin wax garanaya weeye ninka jaamacad soo dhigtay ee ma ahan nin la qaldi karro.

3 Responses to Warbixin Wiilkii Jaamacadda Ohio Dhiganayay ee Bahalka Dadka Qasha Isku Badelay (Warbixin)

  1. Pingback: Warbixin Wiilkii Jaamacadda Ohio Dhiganayay ee Bahalka Dadka Qasha Isku Badelay (Warbixin) - Daily Somalia Report