Warbixin:Venezuela oo Shacabkoodu Qaataan Mushaar Bishii 6 dollar, Tartan China iyo Maraykan, Miisaanka Hilibka ee reer Venezuela oo 64% Hoos U Dhacay Gaajo Awgeed

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Important News,Wararka |

Dalka Venezuela oo ah dalka haysta kaydka shidaal ee dunida ugu badan, ayaa waxaa soo food saaray dhaqaalo xumo xajmi wayn, waxayna shacabka reer Venezuela dadkoodu shaqeeya 50% u xaadirayeen 3 dii sano ee lasoo dhaafay mushaar u dhexeeya 36$ illaa 6$, taasi oo ay ugu wacnayd lacagta Venezuela oo uu qiimaheedu aad hoos ugu dhacay.
Halkaan ka eeg mushaarka laga qaato Venazua

Waxaana loo nisbeeyaa, Venezuela oo dhaqaalaheedu 95% ku tiirsanaa batroolka ay dibadda u iibgeeyaan, iyo shacabka Venezuela oo aan lahayn xadaarad dawladnimo, iyo xadaarad aqooneed, wixii ka horeeyay gumaystaha, kadibna ay dalka soo xukumayeen niman kaligitalis ah.

Ciladda ay kaligi talisnimadu leedahay waa mid xajmi wayn haddii dhaqaalaha dalku uu hoos u dhaco, waayo awooddii oo dhan ayay hal ruux gacanta ugu jirtaa oo ruuxaas baa maroorsaday, haddii marka dalka ay dhaqaalo xumo soo food saarto eedda oo dhan waxaa dusha laga saarayaa ninka masiirka dalka iyo awoodda dalka ay gacanta ugu jirtay.

Dhanka kalena haddii uu dhinto ninkaas waxaa la dhimanaya nidaamkii uu maamulayay, oo aynan jirrin cid u warhaysay siduu wax u maamulayay, waxaana xigaysa burbur dal oo ayba dhici karto mid suuragalisa in ay meesha ka baxdo xadaaradda dalkaas oo dalkaas uu 100 u qaybsamo, sida Soomaali haysata, waa haddii dhiig daato.

Laakiin haddii ninka kaligi taliyahaa uu dhaqaale abuuro markaas waxaa laga yaabaa in nidaamkiisu muddo sii shaqeeyo ama guulaysto sida China.

Hase yeeshee hadda waxaad mooddaa in uu Venezuela ka taaganyahay dagaal dahsoon oo China iyo Maraykanka si hoose ugu dhex maraya.
Waayo Maraykan oo doonaya aduunka in uu maamulo, ayaa waxaa kusoo baxay nin kaligi taliye ah waa Hugo Chávez, oo markii uu xukunka Venezuela qabsaday 2002 qarameeyay dhamaan shirkadihii goonida loo lahaa, isla markaasna aan awoodda saarin in shacabku wax soo saartaan ee xukuumadda ku maal galiyay lacagtii laga helayay batroolkii la iibshay.

Waxaana dhibku bilowday 2013 markii uu dhintay Hugo, isla sanad kadib 2014 qiimaha batroolka oo hoos aad ugu dhacay, iyo Nicolás Maduro Madaxwaynaha cusub oo afkaartii kaligi talisnimo iyo maraykan nacayb ee Hugo Chávez dalka kusii hogaamiyay, taasi oo mucaarad ku ahayd dalka Maraykanka.

Waxaana Maraykanku saaray Venezuela cunaqabatayn qarsoon iyo mid qayaxan labadaba.
Waxaana booska soo galay China oo hadda aad moodid in aad looga jecelyahay Venezuela maadaama uu China usoo gurmaday Venezuela xili xaaladdu ku xamayd.
China ayaa Venezuela ku maal gashaday ballaayiin lacagat China ah, waxaana dalka Venezuela hadda batroolkiisa lagu iibshaa lacagta china ee Yuan.

Maraykanka ayaa aad ula dagaalama dalalka batroolka soo saara ee batroolkooda aan ku iibin dollar, waayo Maraykanku wuxuu isku haystaa ninka aduunka xukuma oo waliba aduunka ku xukuma lacagta Dollarka oo kamida lacagaha la yiraahdo fiad Money, ama lacagaha sabeeya oo qiimahoodu ku xiranyahay badnaanta badeeadaha lagu iibsho lacagtaas, oo haddii badeeco badan lacagtaas lagu iibsado qiimaheedu kor buu u kacaa calashaan haddii badeeco farabadan lagu iibsado lacagta dollarka, markaas qiimaha dollarka ayaa kor u kacaya maadaama aad lowgu baahan yahay, laakiin haddii kale hoos bay u dhacaysaa.
Sababta qiimaha dollarku uu marwalba u adkaa, waxaa sabab u ahayd waxaa lagu iibsadaa dollarka batroolka dunida oo dhan, taasi oo sababaysa in marwalba loo baahdo dollar, oo qiimaha batroolku kor u kaco.
Marka Maraykanka ayaa u arka dawladdii diida in ay batroolka ay soo saarto ku iibiso dollar, dawlad u danleh in ay burburiso boqortinimada Maraykanka ama dawlad u danleh in ay ka qaado kursiga uu maraykan dunida kuhaysto.

Dalka Venezuela, China, iyo Russia ayaa hadda go’aansaday in batroolka ku iibsadaan China Yuan, ama Russian Ruble.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninkii raayaa reerka u hara, waxaana la ogaan doonaa ninka raaya, kolaba hadda waxaad mooddaa in uu socdo dagaal hoose ciddii dunida maamuli lahayd, oo ka dhigan ma qolooyinkaan cusub baa kursiga ku qabsan doona Maraykanka, mise Maraykan baa ka adkaan doona, mise waa la isku taanaasuli doonaa.

Soomaalida ayaa laga rabaa in aynan dhex dabaalan dagaaladaas socda oo ay dhex dhexaad ka ahaadaan, waayo Soomaalidu iyagu kolaba dinidan maamulimayaan, marka ciddii maamulaysa maxaa nooga gidhiisha.

Soomaalida waxaa u dana nabad iyo nolol iska dhexdhexaada.
Waxaa kaloo muhiima dal kasta oo ay 100 Soomaaliya ku nool yihiin in loo abaal gudo oo lagu qiimeeyo Soomaalida ay dalkooda ku hayaan, arrinaas yaan marna la dhayal san.




Puntlandobserver desk.