Warbixn Saado Cali dilkeedii dadkii fuliyay iyo dadkii ka danbeeyay

Filed under: Wararka |

Marka hore waxaannu leenahay ciid wanaagsan ummadda muslimiinta meel ay joogaanba.

Maqaalkani wuxuu ku saabsan yahay dhammaanba ciddii ka danbeysay dilkii Saado Cali Warsame oo lagu dilay magaalada mugadishu 26-kii bisha barakeysan ee Ramadaan.

Saado waxay soo goosatey ticket diyaaradeed oo ay debadda ugu baxdo inta baarlamnaku xiran yahay isla maalinta la dilidoonaba. Maalintii ka horreysay, waxay si kulul indhaha ugu shidatey Caydiid ilka xanaf oo ku magacaaban guddoomiyaha maxkamadda sare ka dib markii uu uga xukumey dhulkeedii ay decoment-giisa soo bandhigtey dad kale oo dhacey dhulka, Caydiidna lacag badan ka qaatey mooryaanta dhulboobka ku socotey! Habeenkii maalintaas maxkamadda ka horreeyey, Saado waxay wareysi xasaai ah oo dhinacyo badan taabanaya siisey warbaahinta madaxa bannaan qayb ka mid ah oo Muqdisho saldhigoodu yahay. waxay ka hadashey dhulboobka habar gidir ka waddo gobolka shabeellada hoose, dagaallada ka socda gobolka Galgaduud, iyo deegaannada khaatumo iyo weerarada ka dhanka ah ee ay maleyshiyaadka SNM ka waddo deegaankaas.

Dhiigshiil/Dahabshiil oo daba socdey Saado ilaa 2008-dii ayaa xamar ka diyaarinayey shirqoolka waqti dheer; dhiigshiil wuxuu bixinayey dhammaanba qarashka faraha badan ee ku baxayey dilka Saado Cali.
Yaa fuliyey dilka Saado Cali? Waa su’aal da’ weyn oo madaxa daalineysa.

Dilka Saado waxaa fuliyey sida ay sheegayaan wararka lagu kalsoon yahay ee ka imaanya xamar oo denbi baadhayaal khaas ah ku hawlanayeen, todobo nin/qof oo wata xaajiyad toyota hilex ah ama waxa loo yaqaanno qooqan. todobadan nin oo ku hubeysnaa 4 qori oo ah kuwa silsiladda leh ee loo yaqaanno dabamiinshaarka!!!!!!!!! iyo sadeex AK-47, ayaa ka soo raacey saado madaxtooyada qaranka, halkaas oo saado wax ka soo xirtey golaha shacabka, lana soo dardaarantey guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa Mr Jawaari iyo Mr Iikar Jilaani, Saado waxay u sheegtey in loo soo hanjabey, ilka xanaf, Dhiigshiil iyo beesha boobtey shabeellada hoose intuba fartu ku mudan tahay! Xasan sheekh na,aanu ka marneyn.
Nimankani, waxay kala ahaayeen sida wararka rasmiga ah ee ka imaanaya Muqdisho sheegayaan, shan (5) nin oo u dhashaey qabiilka CEYRKA ee ugu badan waxa dhulboobka ku jooga gobolka shabeellda hoose, raggan oo midkood ka shaqeeyo xawilaadda Dhiigshiil/Dahabshiil, hal nin oo ah qabiilka MURUSADE iyo will u dhashey qabiilka Wegerdhac Mareexaan oo uu INDHO CADDE abti u yahay, kaasoo ahaa dareewalka gaariga geystey xasuuqa.

Xaggey ka yimaadeen dableydani? Yaa abaabulyey dilka?
Su’aashan jawaabteeda sida waraku isugu biyo shubteen, waxaa abaabulka watey Goobaale oo ah ninka CEYR habar gidir ee barakicinta ku wada qabiilka biyo maalka, laguna tuhunsanaa inuu ka danbeeyey dilkii weriye Yuusuf Keynaan; Waxaa kaloo iskaba cad in saddex alifle INDHO CADDE kaga jirey shirqoolka meel muhiim ah, isagoo weliba kala tashtey arrinkan madax weyne Xasan sheekh Maxamuud.
Gaarigan oo ka soo raacey dadka la xasuuqey xarunta madaxtooyada qaranka, ayaa la caddeeyey inuu dib ugu laabtey isla xaruntaas ka dib markii uu soo fuliyey hawshii loo igmadey, Saacado ka dibna,
waxaa loo anbabixiyey gacan ku dhiiglayaashii dhinaca gobolka shabeellada hoose si halkaas loogu qariyo.

Sheegasha abuumuscabka Mareexaan uu sheegtey dilka Saado iyo dareewalkeeda, waxaa isla habeennimadiiba beeniya afhayeenka guud ee Alshabaab sheekh Cali dheere. sheekh Cali dheere wuxuu diidey in Alshabaab eed ayan lahayn dusha ku qaataan.
Haddaba akhristow, wixii Saado diley sidaas ayey u cadyihiine, waxaa laga rabaa dadka jooga gudaha dalka iney isu taagaan soo qabashada mooryaantaas ku saleysan qabiilka iyo qaadashada sandareerada intaba.
Waxaynnu ilaahey caadilka ka tuugeynaa inuu kashifo isla markaasna soo gacan geliyo dhammaanba dhinacyada ka danbeeyey fal denbiyeedkan foosha xun. aaaaaaaaammmmmiiiinnnnn.
Daahir M.A. @daahirmali@gmail.com

Maqaalkan wuxuu u gaaryahay Qoraha Maqaalkan, Puntlandobserver waa ay soo daabacdaa wixii warbixin macquul ah si loogala baxo nuxurka guud, laakiin masuuliyadeedda waxaa leh cida soo diyaarisay.