Warqad Ku Socota Madaxwayne Hassan Sh. Mohamoud: Gudoomi PUNTLAND ‘BILAD-SHARAF-SOOMAALINIMO-DAHABI Ahi’.

Filed under: Aqoon-kororsi,Articles,Dawlad-Wanaagga,Wararka |

Warqad Ku Socota Madaxwayne Hassan Sh. Mohamoud: Gudoomi PUNTLAND ‘BILAD-SHARAF-SOOMAALINIMO-DAHABI Ahi’.

Mohamed Barre - independent writer.

Mohamed Barre – independent writer.

Inkastoo DADWAYNAHA reer PUNTLAND iyo maamulka PUNTLAND kaalmada Islaanimo iyo Hiil-walaaleedka ay u galeen walaalahii ka soo qaxay dalka YEMEN, hadana waxaad u malaysaa in ay dadka inta badan hadal hayaan tacadigii ay maamulka Somaliland u gaysteen maatadii isugu jirtey caruurta iyo haweenka oo loo diidey in ay ka soo degaan Markabka ay kusoo qaxeen.

Si arintaan taariikhiga ah ay u noqoto mid ay ku daydaan maamulada Soomaaliya ka jira haatan ama kuwa lagu wado in la hirgaliyo, waxaan si sharaf leh uga soo jeedin lahaa in Madaxwaynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya – mudane Hassan Sheikh Mohamoud uu gudoonsiiyo BILADA aan ugu MAGACDARAY ‘SOOMAALINIMO ama WADANINIMO’ taasoo noqota bilad QARANKA SOOMAALIYA matasha, maamulka PUNTLAND iyo DADWAYNAHA reer Puntlandna ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee hela madaama ay mudan yihiin in lagu aqoonsado arinta la xariirta soo dhawaynta qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dalka YEMEM.

Waxaan laga yaabaa in Soomaaliya aysan bilad noocaan oo kale ah aysan hore u qabin, laakiin waxaan ka codsanayaa in uu madaxwaynaha sameeyo BILADAAS oo aan ugu magacdaray ‘SOOMAALINIMO ama WADANINIMO’ – taasoo la gudoonsiiyo SHAQSI, URUR, maamul heer DEGMO, GOBOLEED, ama SHIRKAD DOWLADEED ama DADWAYNE, ee oo ku guulaysta wax qabad ku salaysan kor u qaadida, is dhexgalka iyo midnimada magaca Soomaaliyeed.

Maxadwaynaha waxaan ka codsanayaa markale in uu bilada ugu horaysa uu siiyo reer PUNTLAND iyo maamulka PUNTLAND – oo ay ku mutaysteen soo dhawayntii ku dheehnayd Islaanimadda iyo hiilka-walaalnimo, oo ay u gaysteen qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dalka YEMEN, iyadoo ay taas cashar u noqonayso maamulka Soomaaliland, si kastaba ha ku dhacdee, madaama uu diidey dadkii aan ka soo jeedin deegaanka Somaliland.

Sida aan ka soo xigtey qaar ka mida QURBOJOOGTA magaalada Minneapolis, oo u badan racii ugu horeeyey ee uu soo barakiciyey dagaalkii sokeeye, oo haatan laga joogo, 25 sano ku dhawaad, waxay ii cadeeyeen in ay aaminsan yihiin in reer PUNTLAND iyo maamulkooda PUNTLAND ay guteen waajibka ka saaran walaalahood Soomaaliyeed madaama ay Muslinimada iyo dhiiga walaaltinimo ay tahay mida Soomaalida oo dhan midaysa.

Waa jiraan dhaliilo maamulka hada jira PUNTLAND oo aan ka hadlay, laakiinse waxaan aqrsitow adinga, aniga iyo dunidaba marqaati ka nahay in go’aanka taariikhiga ah ee PUNTLAND uu galay taariikhda Soomaaliya, waana lama hilmaamaan. Sidoo kale, maamulka hada jira, ee Madaxwayne Gaasna uu kor u qaaday SHARAFTA iyo SUMCADA reer PUNTLAND iyo maamulka PUNTLAND. Sidoo kale, waxaa uu MAAMULKA PUNTLAND ka saaray madmadowgii ka jiray nadhaamka ‘FEDERAALISMKA’ maxaa yeelay, maamulku wuxuu muujiyey in uu fikirka SOOMAALINIMADA ku salaysan yahay maamulkooda, midnimadana ay muqadas tahay.

Hada iyo dan, waxaan mar kale ka codsanayaa in aqristayaasha qoraalkayga, meelkasta oo aad joogtaan, aad adinkana codkiina siisaan si uu madaxwaynaha D. F. Somalia uu SHAHAADO SHARAF QARAN DAHABI ah uu gudoonsiiyo reer PUNTLAND iyo maamulka PUNTLAND – shahaadadaas oo aan ugu magacdaray ‘SOOMAALINIMO ama WADANINIMO’, ayagoo lagu aqoonsanaayo sida xilkasknimada ahayd oo ay ugu gurmadeen walaalahood.

Waase in shahaado sharaftaas ay ahaato mida ka samaysan BIR noocay rabto ha ahaatee, si ay u noqoto mid jiilka soo socda xasuusisa wanaaga abaalka ay DADAWAYNAHA iyo maamulka PUNTLAND u galeen walaalahood, isla markaana ay u u noqota mid dhiiri gelisa in maamulada dalka ka jira ama mustaqbalka lagu wado in laga dhiso aysan ka tegin walaaltinimada iyo Islaanimada saldhiga u ah midnimada Soomaalida meel kasta oo ay aduunka ka joogaan.

Waxaa qoray: Mohamed Barre – junlay ‘Gobdoon’ qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaalida, degana magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com