Wasaarada Caafimaadka Puntland oo qaybisay laba Ton oo Daawo ah oo Jaaliyda Puntland ee Jarmalku soo gaarsiisay [Maqal+Sawiro]

Filed under: Wararka |

Wasaarada Caafimaadka Puntland oo qaybisay laba Ton oo Daawo ah oo Jaaliyadda Puntland ee Jarmalku soo gaarsiisay [Maqal+Sawiro].

Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland iyo Jaaliyda Puntland ee dalka Jarmalka oo maanta si ada jir ah shir Jaraa’id ugu qabatay xarunta wasaaradaasi ku leedahay caasimada Puntland ee Garoowe.

Shirkan Jaraa’id ayaa lagu soo bandhigay Daawo ay Jaaliyada Puntland Diaspora Forum Germany ay ku wareejisay Dawlada Puntland, dawdaasi oo ay bixisay Hay’ad Jarmal ah oo samaysa Dawooyinka ayaa sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Dawlada Puntland Dr. Cabdirizaq Xirsi Xassan waxa loo qaybiyay 9 Cisbitaal oo ku yaala gobolada Puntland, sida Cisbitaalka Buuhoodle, Dhahar, Badhan, Qardho, Boosaaso, Caluula, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Dr. C/risaaq ayaa intaasi raaciyay in qayb ka mid ah Dawadan ay gaarsiin doonaan Cisbitalka degmada Taleex ee gobolka Sool, qayb ka mid ahna ay kayd ahaan u dhigeen xarunta wasaaradaasi, taasi oo la gaarsiin doono meelaha laga soo sheego baahida Dawada.

Shirka Jaraa’id ee lagu qabtay xarunta Wasaarada Caafimaadka ayaa waxa sidoo kale oo ka hadlay Sheekh C/qani Qorane oo wakiil ka ah Jaaliyada Puntland ee dalka Jarmalka, wuxuuna Sheekhu si gaar ah ugu mahadceliyay Jaaliyada PDF Germany iyo gudoomiyaheeda Maxamed C/araxman Cali, sidoo kale Hay’adii ku deeqday Dawadan oo sida sheekhu sheegay noqotay mid lagu liibaanay.

Sidoo kale waxaa Shirkan Jaraa’id ka hadlay Wasiirkii hore Dawlada Puntland u qaabilsanaa Arimaha Dawlad Wanaaga, Mudane Gaashaaan oo isaguna mahad balaar u diray Jaaliyada Jarmalka, Hay’adii bixay Dawada iyo intii ka qayb qaadatay soo gaarsiinta dalka, Mudane Gaashaan ayaa arinka ku tilmaamay tusaale ku dayasho mudan.

Wasiir ku xigeenada Wasaarada Caafimaadka ahna ku simaha Wasiirka oo soo gabagabaysay shirkan Jaraa’id ayaa ugu baaqday umada Soomaaliyeed inay ku daydaan Jaaliyada Jarmalka oo ay u gargaaraan dadkooda dhibaataysa “Umad caafimaad qabta ayaa wax baran karta oo horumari karta” ayay tiri Marwo Amina C/laahi Maxamed C/laahi.

Jaaliyadda Puntland Germany

Jaaliyadda Puntland Germany1

Jaaliyadda Puntland Germany3

Jaaliyadda Puntland Germany4

Jaaliyadda Puntland Germany5