Wasiir Dowladaha Qosheenta, Xiriirka Caalamiga iyo Arimaha Federalka Puntland Dr, Sayid Mohamed Abdulle iyo Safiirka Turke ee Sudan oo kulan Xiiso leh Dhexmaray {Daawo Sawirada}

Filed under: Wararka |

Waxaa Shir Muhiim ah wada yeeshay Wasiir Dowladaha Qosheenta, Xiriirka Caalamiga iyo Arimaha Federalka Dr, Sayid Mohamed Abdulle iyo Safiirka Turke ee Sudan. Waxaana Ay uga wada hadleen arimo muhiima oo ah dib u dhiska Somaliya iyo Qaybta ay Turki u Qorsheesay Puntland.

Wasiirka ayaa aad uga munaashiqooday baaxada Puntland iyo sida ay u tahay Dhul istaraatigi ah iyo sida ay ugu haboon tahay in lahormariyo oo Dowlada Turki ay daraasad kuoo samayso dhamaan Dhulka Puntland iyadoo ay wafuud kala duwan tageen dowlad goboleedka Puntland

Waxaan wasiirku qeexay in ay turke si toosa ula xariirto puntlnad mashariicda ay ka wado Somaliya qaybta Puntlandna si toosa loo geeyo.

Wasiirka ayaa ayaa u sheegay dowlada turke in Puntland ay diyaar u tahay una furan tahay in turke ay Companiyadooda Ganacsi imaan karaan Puntland kana fulin karaan mashaariicda ganacsiga.

Safiirka Turke ayaa balan qaaday dhamaan codsigii dowlada Puntland ay tix galinayaan sida ugu dhaqsiyaha badana ay u filinayaan in ay uga qayb qataan hormarka iyo dhisida dowlada Puntland waxana uu sheegay in ay tahay Puntland dhul aad u muhiima oo isha ay ku hayaan isla markaasna khayraad fiicana leh ahna Meesha kaliya ay soomaliya daneenayaan.

Waxaa uu ugu mahad naqay sida sharafta leh ee wasiirku uga qayb qaatay wada shaqeenta dowalda Puntland iyo Turke mar ahaantaasna sii balaarinayaan xiriirkooda iyo wada shaqoontooda.

Si kastaba ha ahatee Wasiir D, Qorsheenta Puntland Dr, Sayid ayaa sidoo kale soo gaba gabayeey shir looga hadlayey Sidii farqiga loo yareen lahaa oo ka dhacay Sudan waxana uu haatan ku laabtay Puntland.
Puntlands__com-4

5

Puntlands__com-2

Puntlands__com-3

Xigasho Puntlands.com