Wasiiradda arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Fawsiya Xaadi oo lakulantay wasiirka arrimaha dibadda ee kanada

Filed under: Wararka |

Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeen ayaa kula kulantay magaalada Ottawa ee dalka Canada Wasiirka arrimaha dibada dalkaas John Baird, iyadoo booqashadan ay aheyd tii u horeysay oo wafdi dowladda Soomaaliya ka socday marti qaad rasmi ka helaan dowladda Canada muddo 25-sano ah.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Arrimaha dibada Canada ayaa Labada wasiir arrimo dibadeed Soomaaliya iyo Canada waxay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo taageerada dowladda Canada, iyadoo markii wada hadalkooda dhamaaday ay mar qudha shir jaraa’id u qabteen Saxaafada.

Wasiirka Arrimaha dibada Canada John Baird ayaa ku dhawaaqay in dowladda Canada ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya ilaa lix milyan oo doolarka Mareykanka, isla markaana dhaqaalaha ay ugu tala tagashay la dagaalanka Argagixisada iyo caawinaada AMISOM.

Fowziyo Yuusuf Xaaji ayaa uga mahadcelisay dowladda Canada sida ay u soo dhoweeyeen, iyadoo ka codsaday Canada inay ka qeyb qaadato dib u dhiska Soomaaliya iyo hey’adaha ammaanka dowladda.

Dhinaca kale Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay la kulanto Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Canada.

Waa markii u horeysay oo Wasiir arrimo dibadeed ka socda Soomaaliya uu soo booqdo dalka Canada muddo ku dhow sodon sano, iyadoo dowladda Canada ay ku soo biireyso dowladaha daneynaya arrimaha Soomaaliya.
canada_iyo_somalia_1

canada_iyo_somalia_2

canada_iyo_somalia_3

??????????????????????