Waxaan Ahay Midgaan: Ma ahi Daarood, Dir ama Hawiye

Filed under: Articles,Important News,Wararka |

midgaan2
Waxaan Ahay Midgaan: Ma ahi Daarood, Dir ama Hawiye
Diyaariye Cusmaan Cumar
Cusmaancumar@gmail.com

“Waxaan ahay Midgaan” Waxaa soo qortay gabar (eeg sawirka). Waxey kusoo bandhigtay
oraahdan madasha FACEBOOK. January 2016.
Waxaa ka faallooday in ka badan 2000 qof gelin kaliya. Maxay yiraahdeen?
Dhammaan qoraalkooda waxuu ku saleysnaa intan:
Muslimku waa walaalo wada simman.
Dhammaan Somalidu waa hal qoys oo walaala ah
Waxaa Midgaan ah qofkii Jannada laga waayo.
Wax Midgaan la yiraahdo ma jiro. Dadku waa Somali
Waxaa Midgaan ah mooryaanta
Cid kaa fiican ma jirto. Ma ahid Midgaan
Ma Niyad Bay Ka Tahay Kuwa Soo Qoray Faallooyinkaa?
Waxaa qurux badnaa dhammaan faallooyinka la bixiyey. Waxaa lagu tilmaami karaa faallooyin
nadiif ah. Ka fog xummaan. Xalaal ah. Quursi ku jirin. Qaddarin leh. Guubaabo iyo diin jaceel
ku dheehan. Wanaag iyo waddaniyad ka buuxdo.

Haddaba maxaa khaldan? Maxaa bulshada Somaliyeed ka dhab ah? Maxaa ka dhalanteed ah?
Dadka soo qoray faallooyinka ma ka dhabbaa mise waa hadal ay iska yiraahdeen?
Nolol iyo guur ma la wadaagayaan gabar ama wiil ku abtirsanaya Midgaan? Waxaa loo
badinayaa in qoraalkooda iyo niyaddooda ayan is waafaqsaneeyn.
Afka wax laga yiraahdo iyo ficil lagu dhaqaaqo, wax badan baa u dhexeeya.
Ma ka dhabbaa dhammaantii hadalkoodaas dhammaantood?
Waddaniyadda, islaamnimada, wanaag jeceeka, iyo weliba hiillada qabiilka waa arrimaha
Somalidu laab la kac ugu dhaqaaqaan. Dareen aan ka dhab aheeyn. Hadal iyo xammaasad
been ah. Qiiro.
Waxaa hubaal ah haddii gabadhaa ay guur kusoo qaaddo wiilasha faallooyinkaa fiican qoray
in laba darbi ay ka boodi lahaayeen goorteey ogaadaan ciddey tahay. Sidoo kale gabdhaha
soo qoray faallooyinkaa hufan, haddii walaakood ama wiilkooda ah uu jeclaado gabar reerkaa
ah, maxey ku talin lahaayeen? – ‘anigu ma kuugula taliyeen’. ‘Ka fiirso’. ‘Ma kaa dhabbaa’?
‘Yaan lagu takoorin adiga iyo ubadkaagaba’. IWM.
Haddaba oraahda wanaagsan waxaa habboon in lala weheliyo fal dhab ah. Faallooyinka
quruxsan waa billoow. Haddey ku ekaadaan intaa kaliya waa nasiib darro iyo nifaaq.
Hadallada fiican aad qorteen, ku dara macaamil hufan, guur, kalgacal iyo wadajir. Sidaa ayaa
lagu cirib tiri karaa heeybsooca iyo quursiga lagu hayo bushadaa Somaliyeed.

Diyaariye:Cusmaan Cumar
Cusmaancumar@gmail.com

2 Responses to Waxaan Ahay Midgaan: Ma ahi Daarood, Dir ama Hawiye