Webka Qabyaaladda ee Caasimadda Oo Dacaayadeeyay Cabdiwali Sheekh Iyo Baadiyo (Qormo Kooban)

Filed under: Important News,Wararka |

qabyaalad
Webka ku shaqeeya shilimaadka iyo Qabyaaladda ayaa qormo gaaban ka qoray in uu heshiis dhexmaray Cabdiwali Sh iyo Dr Baadiyow.

Wuxuuna Caasimadda Online ku dhaleeceeyay Dr Baadiyow in uu ballan la gallay Raysalwasaarihii hore Cabdi-Wali Sheekh, ballantaas oo ah in Dr Baadiyow ku taageero Cabdiwali kursiga Madaxwaynaha halka Cabdiwalina ka dhigayo baadiyow Raysalwasaaraha.

Soomaalidu waxay tiraahdaa ninkaad doonaysid in aad baratid waxaad eegtaa saaxiibadiis, innagoo maahmaahdaas ka eegayna waa laba nin oo isku hadafa, oo waliba hadafkoodu uu ku egyahay in Soomaali la badbaadiyo, marka dusha guud laga eego iyadoo aan la eegayn iin shakhsiyadeedka waayo ruux kasta illaahay iin buu u yeelay.

Xaaladda Soomaaliyana maanta waxbaba kama qaban karo qof dhanka qabyaaladda ka eegaya, waayo maanta qabiilkastaaba deegaankiisa isagaa u madaxbanaan, waana ayba ka daashay Soomaaliduu ruux badaw ah oo doonaya in uu jago aannu u qalmin ku hello reer hebel baan ahay, ee taa badalkeeda waxaa wanaagsan in ruuxa kartidiisa isku soo saara la taageero, ee aan durbaan iyo waqti la isaga khasaarin ruux aan illaahayba kartida u dhalin.

Dhanka kalena haddii sida saxdaa ee dastuurkii ay ku shaqaynayso xukuumadda DFS, waxaa awoodda xukuumadda iska leh Raysal Wasaaraha balse kaliya Madaxwaynaha sida daacaddaa ee dasturigaa u shaqaynaya isagu xukuumadda shuqul kuma leh ee waxaa maamulaya Raysalwasaaraha, kaliya Madaxwaynuhu wuxuu dusha ka illaalinyaa hay-adaha dawladda sida Tan garsoorka, tan Golaha Sharci dajinta iyo tan Xukuumadda.

Waxaa dhanka kale aynu ognahay in ay saacaddaas aan ku jirno qofkasta oo muwaadina oo Soomaaliya ay u furantahay in uu is sharaxo, oo ruux kasta waxaa la yiri ” Haat burhaanak ” ma jirro ruux uu iridkaas ka xiranyahay.

Waxaa hadanba cajiiba qormada uu Webka Caasimadda Online soo daabacay, iyadoo ay webkaas bookhdaan soomaali oo dhami hadana qabyaaladiisii iyo sharkiisii bulshada hortooda kala xishoonwaayay isagoo markaas ku doodaya sababta uu dr Baadiyow ugu tanaasulay Cabdiwali Sheekh, iyadoo aan wali meel fagaara ah warkaas laga sheegin.

Waa iska jaahilnimo Soomaalidii haysta in aan wali Qabyaaladdii dunida naga reebtay waxwalba ku jaangoyno.

Halkaan ka eeg qormadaas
http://caasimadda.com/xog-baadiyow-oo-hamigiisii-uga-tanaasulay-cweli-sheekh-daciifnimo/

One Response to Webka Qabyaaladda ee Caasimadda Oo Dacaayadeeyay Cabdiwali Sheekh Iyo Baadiyo (Qormo Kooban)

  1. Pingback: Webka Qabyaaladda ee Caasimadda Oo Dacaayadeeyay Cabdiwali Sheekh Iyo Baadiyo (Qormo Kooban) - Daily Somalia Report