Wixii Fowdo ka Dhaca Baarlamaanka DFS Waxaa Masuuliyadeeda Qaadanaya Madaxwayne Farmaajo (Qoraal by Warsame Axmed)

Filed under: Important News,Wararka |

-Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan u sheegaynaa, inuu dastuurka qaran iyo xeer hoosaadyadiisa illaaliyo.
-Jawaari Mooshinka laga keenay, oo ay dawladdu Baarlamaanka ku duushay, garanmayno meel ay dunida ka dhacday dawlad baarlamaan ku duushay.
-Fawdo iyo dagaal wadanka ha laga illaaliyo, waxa taagan maantay oo arbaca ah bari laba waxyaaladood bay noqonaysaa.
1)-In meeshaa uu ka dhaco dagaal lagu hoobto.
2)- meeshaas inta lagu kala jabo, qoloba gudoomiye iyo madaxwayne, Raysalwasaare cusub samaysato, oo ay laba dawladood ka dhashaan.
Laba raysalwasaare, laba gudoomiye baarlamaan, laba madaxwayne.

-Wixii meeshaas ka yimaadana Farmaajaa masuuliyadeeda qaadanahaya.

-Jawaari gacantaag laguma dooran ee cod qarsoodiya ayaa lagu doortay, hadduu baxayana cod qarsoodiya ayuu ku baxahayaa, waana sida ay dastuurka iyo xeer hoosaadku qabaan.
-Sammankii bootada iyo cagajuglayntu waa dhamaaday, waa joogsaday, meel ay ka shaqaynayso Soomaaliya ma jirto cagajuglayn.

Fiiro gaar ah.
Baarlamaanka Soomaaliya waxaan xasuusinahayaa, in ay dhawraan dastuurka iyo xeer hoosaadka, iyo karaamada iyo sharafta, dhaarta ay shacabka Soomaaliyeed u mareen, illaahayna ka baqaan oo dadkaas masaakiintaa xuquuqdooda illaaliyaan.

-Midda kale waxaan xasuusinaynaa khayraadka Soomaaliya in lagu dhaco xoogaa lacaga (comision) oo laga qaato shirkado raba in ay dhacaan khayraadka caruurta Soomaaliyeed in aan cidna laga yeelayn.

Qore Warsame Axmed